Urur Dhalinyarro Oo Jawaab Ka Bixiyey Dhaliilo Loo Jeediyay Xukuumadda

0
371

Hargeysa(DAWAN)-Ururka BARKHADLE oo Ah Urur Ay ku bahoobeen  Dhalinyarrada Beesha  Koonfurta  Hargeysa  [Ciidagale] ayaa shir ay ku yeesheen shalay magaalada Hargeysa waxa ay jawaab kaga bixiyeen hadallo dhawaan ka yeedhay qaar ka mid ah dhalinyarada deegaankaas, kuwaas oo hadallo aan munaasib ahayn ku aflegaadeeyey xukuumada   Xukuumada Somaliland ee uu Gadhwadeenka ka yahay madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.
 
Hoggaanka Ururkan ayaa shir jaraa’id oo ay shalay qabteen waxa ay xaal ka bixiyeen hadalladaas, iyaga oo tilmaamay in aan koox gaar ah iyo shakhsiyaad koobani mateli karin beeshooda, isla markaana aanay afka dhalinyarrada deegaankaas ku hadli karin.
 
Sidoo kale dhalinyaradan ayaa muujiyey cududa taageerro ee ay dhalinyarro ahaan iyo deegaan ahaanba u hayaan Madaxweynaha Somaliland iyo Xukuumddiisa, iyaga oo hoosta ka xarriiqay in indhihii caafimaad qabaa ay arkayaan waxqabadyada muuqd iyo shaqo abuurka ay xukuumaddu hirgelisay, iyo sida ay ugu darban tahay in ay horumarka bulshada halkaa ka sii wado.
 
Geesta kalena waxa ay carabka ku dhufteen  oo ay ka hadleen dhulkii danta guud ee deegaanka masallaha ee dhawaan muranku ka dhashay balse madaxweynuhu soo afjaray, dhulkaas oo ay sheegeen in wasaaradda duulista Hawada Somaliland ay dhexda u xidhatay sidii ay boobka uga ilaalin lahayd dhulkaas, iyada oo qayb laxaad leh ka qaadatay in la qorsheeyo dhismeyaal bulshada manfac u leh bulshda in laga hirgelyo dhulkaas, sidaas darteedna ay dad war xumo tashiil ahi dacaayado aan jirin ka fidiyeen  ciidanka qaranka iyo wasaaradda duulista, kuwaas oo markii hore damac ku jiray balse bulshada deegaanka iyo xukuumadduba u quus gooyeen iyaga oo muujiyey sida ay uga go’an tahay ka midho dhalinta horumarka danta guud.
 
Xafladan ay dhalinyartani isugu timi shalay oo ay ka soo qayb galeen haldoorka bulshada deegaankaasi waxa ugu horeyn halkaas ka hadlay   Guddoomiyaha Ururka Barkhadle Mr.  Iid Ismaaciil, waxaanu yidhi  “Waa ayaan darro   maalin dhawayd dhalinyaro ayaa jirtay lahayd waxaan kalsoonidii kala laabanay xukuumada maanta jirta,   Annagu waxa aanu leenahay waar xukuumadani waa xukuumadii waxa qabadka marna naga yaan lanaga filan in aan nidhaaho waxa aanu kala laabanay kasoonidii taasi anaga waxa naga suurtowda maah mana dhacaso. Xukuumadani waa xukuumada maanta hir galisay waxayaabo badan oo dhalinyarad Somaliland waxa u tari doona,maanta waad ogtiin inta sharaxan ee golaha wakiilada u sharaxan waa dhalinyarro dhamaantood waa xukuumada taa inoo hirgalisay.”
 
 
Waxa dhankisa halkaa ka hadlay Cabdiraxmaan Axmed Kabadhe Gudoomiyaha  guud ee dhalinyarrada beesha Ciida-gale, waxaanu yidhi  “Runtii Xukuumada maanta waxa qabadekeeda lama koobi karo qof walba oo indho fayoow waa arkayaa markaa waxaan leeyahay mar walba iyo markasa xukuumada waanu taageeraynayaa anagu hadaanu nahay beeshan,Sidoo kale waxa halkaa hadlay Maxamed kaahin oo isna dhankiisa ku dheeraaday waxqabdaka buuxa ee ay xukuumada ka wada gudaha wadanka.
 
Halkan waxana ammaan uga soo jeedinayaa maamula Madaarka Hargeysa Maxamed Yuusuf Iyo Agaasimaha Wasaarada Duulista iyo hawada MR. Cumar Cabdillaahi Aadan oo ah nin dhalinyaro oo how kar ah taasna iyaga ayaan ugu mahadnaqayaa howsha ay qaranka u hayaan.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply