Xisbiyadda Mucaaridka ah Iyo Kooxda Sharci-darrada ah Ee Madasha Oo Iclaamiyay Shir ay Ku Burbirinayaan Dawladnimadda Somaliland

0
358

Hargeysa (Dawan) – Isbahaysiga qayrul dastuuriga ah   ee ay dhowaan ku shuraakoobeen labada  xisbi mucaarid ee Ucid iyo Waddani iyo kooxda  aan sharciga   ku dhisnayn ee caadaysatay xishood darrada, xumaan doonista, cayda iyo ceebaynta  Madaxda Qaranka ee la magac baxday Madasha wadatashiga ayaa sheegay inay bisha April ee 2015-ka qaban doonaan wax ay ugu yeedheen shirka kala tashiga Somaliland, kaasoo sida magaciisa ka muuqata ah shir ka dhan ah qaranimada iyo jiritaanka Somaliland oo lagu bur burinayo nabadgelyada iyo nidaamka dawladnimo ee dalkeena ka hano-qaaday, laguna wiiqayo midnimada,  wadajirka iyo walaaltinimada Ummadda reer Somaliland.
 
Sidaana waxa lagu sheegay qoraal War-murtiyeed lagu tilmaamay  oo ay shalay si wadajir ah u soo saareen labada xisbi ee Ucid iyo Waddani iyo kooxda xumo-doonka iyo sharci darrada ah ee la baxday Madasha wadatashigu. Qoraalkaas oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay wargeyska Dawan waxa kale oo lagu sheegay in aanay haba-yaraatee dalka Somaliland ka jiri doonin wax sharciyad iyo dawlanimo ahi marka la gaadho 26-ka bisha June ee 2015,  haddii aanu Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo  inta mudadaas ka horaysa ogolaanin in dalka lagu qabto wax ay ku tilmaameen shirweyne qaran oo wadatashi ah, kaas oo ah shir aan waafaqsanayn dastuurka qaranka iyo xeerarka kale ee dalka u yaalla
 
Xisbiyadda mucaaridka ah iyo kooxda ku qabaanata ee af-duubtay kaalintoodii, ayaa  qoraalkooda ku sheegay  inay wadanka ka samayn doonaan mudaharaadyo aan fasax loo haysan, arrintaasi oo xukuumadda looga baahan yahay in Tallaabo sharciga waafaqsan kaga fal-celiso hadaaqyadda kooxda la baxday isbaysiga mucaaridka.
 
Waxa aanu akhristeyaashayadda halkan ugu soo gudbinaynaa war-saxaafadeed lix qodob ka koobnaa oo dhinacyadaasi ay shalay soo saareen, waxaana saxaafadda u akhriyay murrashaxa madaxweyne ku xigeenka UCID Mr. Cabdirashiid Xasan Mataan, waxaanu u dhignaa sidan:-
 
 
1.Muddo dhaafku waa Madaxtooyada iyo Golaha wakiilada labadaba, sidaas darteedna isbahaysiga Mucaaradku wuxuu ku baaqayaa in Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo hogaanka u qabto Shir wada tashi ah, oo lagaga arrinsado hogaanka dalka gaadhsiin lahaa muddo xileedka u dhexeeya 26-06-2015 ilaa maalinta doorashadu dhacayso.
2-Isbahaysiguna waxa uu ugu baaqayaa Shacbiga Gobolada iyo degmooyinka inay u midoobaan qabsoomida shirka qaran kana hor tagaan caqabad kasta oo ka hor iman karta;
3-Maadaama aan lagu kalsoonaan karrin ciddii fashilisay in doorasho inoo qabsoonto, Isbahaysigu wuxuu caddaynayaa in Haddii uu Mudane Siilaanyo diido Shirka wada tashiga, waxay Isbahaysigu ku dhawaaqayaan Shirka kala tashiga oo dhici doona bisha April ee 2015-ka.
4-Isbahaysiga Mucaaradku waxay uga digayaan golaha guurtida inay sameeyaan Muddo kordhin xaaraan ah oo aan la aqbali doonin, oo keeni karta dhibaato iyo fawdo dalkan la galiyo;
5-Isbahaysiga Mucaaradku waxay Komishanka doorashada ka dalbanayaan inay si dhakhso ah u soo gudbiyaan Jidwal dhamaystiran oo ay ku caddahay wakhtiga doorashadu
6-.  Isbahaysiga Mucaaridku wuxuu uga digayaa Xukuumadda inay samayso Abaabul aan loo baahnayn oo aan waxba inna tari Karin, sida ka qorshaysan khamiista ee loogu tallo galay in jawaab lagaga bixiyo mawqifka Mucaaradka, haddii taas laga waantoobi waayo waxaa khasab noqonaysa in Mucaaradkuna shacabka ugu baaqo inay u soo baxaan Shaaricyada dalka.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply