Hargeysa(Dawan):-Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Cali Maxamed Warancade ayaa waxa uu Xoghayaha Dawlada Hoose ee Caasimada Hargeysa u magacaabay Ibraahim Axmed Raabi, waxaanu ku booriyay inuu xilkaas loo dhiibay ka soo dhalaalo.
Wasiirka Daakhiligu waxa uu sidaasi ku sheegay digreeto Wasiir oo uu shalay soo saaray, waxaanu maayarka caasimadda faray inuu xilka u kala wareejiyo xoghayaha cusub iyo kii hore oo haatan ah agaasimaha guud ee Warshadaha, qoraalkaasina isagoo dhamaystiran waxa uu u dhignaa sidan:-
“Waxaan idinla socodsiinayaa in Ibraahim Axmed Raabi Liibaan loo soo magacaabay Xoghayaha fulinta Dawlada Hoose laga bilaabo taariikhda maanta (shalay) oo ah 10/3/2015. Guddoomiyaha Golaha Deegaanka waxa la farayaa inuu xilka u kala wareejiyo Xoghayaha Cusub ee loo soo magacaabay iyo Xoghayihii hore ee Dawlada Hoose,isla markaana waxa la farayaa xoghaya Cusub in uu xilka loo soo magacaabay si hufan u guto.”