Nin Sheegay in lagu Qasbay inuu Qirto Dil

0
422

Ninka lagu tuhmay toogashada hogaamiyihii mucaaradka ee Russia, Boris Nemtsov, ayaa sheegay in lagu qasbay inuu qirto dilka.
Zaur Dadayev ayaa dacwad lagu soo oogay dhamaadkii todobaadka iyadoo uu wehliyo nin kale, wuxuuna hadda ku adkeysanayaa inuusan wax dambi ah gelin.
Dadayev ayaa u sheegay dad xabsiga booqday in laysku xiray labo maalmood iyadoo madaxa jawaan looga xidhay, wuxuuna u qirtay dilkaasi si loo daayo saaxiibkii lala xidhay.
Wuxuu sheegay inuu qorsheynayay inuu runta ka sheego maxkamadda balse aan loo ogolaan inuu hadlo. Qof kale oo la tuhmay, Shagid Gubashev, ayaa sheegay in la garaacay ka hor intaan Moscow la keenin isagoo sheegtay inuusan dambi gelin.
Afar kale oo la tuhmay ayaa xidhan.
 
 

Leave a Reply