Shiinaha oo Iib loo Xayeesiiyo Caruurta

0
403

Baadhis ay sameysay BBC-da ayaa muujineysa dhibaatada caruurta lagu xayeesiiyo internetka si loo iibiyo dalka Shiinaha – iyadoo qaar mid ah caruurtaasi loogu marmarsiyooda inay qaadanayaan dad aan caruur laheyn – ayey boolisku wadaan dadaalo ay ku joojinayaan ka ganacsiga caruurta.
Mid ka mid ah xayeysiisyada ayaa lagu soo bandhigay iibka gabadh sideed bilood jirta oo lagu iibinayo sodon kun oo doolar.
Wadanka Shiinaha ayey in caruur loo xayeysiiyo korsashada dadka aan caruurta laheyn ay sharci ka tahay balse iibka ayaan la ogoleyn.
Shiinaha ayaa lagu qiyaasaa ku dhawaad 20 kun oo caruur ah in sannad kasta la afduubto iyadoo kuwa badan dib laga iibiyo.
Inkastoo wadankaasi uusan daabicin tirada rasmiga hadana kuwa kala gudbiya caruurta waxa suuragal ah inay wajahaan dil.
Dadka ololeeya ayaa qaba in loo baahan yahay in si adag loo ciqaabo kuwa doonaya inay iibsadaan, waxaana keena iibka caruurta baahida lammaanayaasha aan caruurta laheyn.
 
 
 
 

Leave a Reply