Adeegga Caafimaadka Hooyada iyo Dhallaanka Saylac Oo Horumar Laga Sameeyay

0
381

Saylac(Dawan):-Adeegga Caafimaadka ee degmada Saylac,ayaa horumar  laga sameeyay korna loo qaaday adeegyada caafimaad ee loo qabto hooyada iyo dhalaanka marka ay yimaadaan goobaha caafimaadka degmada Saylac.
Waxaa kale  oo laga hir galiyay deegaanka Saylac kooxo kalkaaliyeyaal  caafimaad ah oo deegaanada  ka durugsan magaalada ku  soo daweeya hooyada iyo dhallaanka soo gaadhi kari waaya goobaha caafimaadka.
Madaxa Xarunta Caafimaadka Magaalada Saylac Dr:Faarax Cabdi Cindi oo aanu wax ka waydiinay habsami u socodka adeegga caafimaad ee xaruntoodu ay u qabato dadwaynaha bukaanka ah ayaa sheegay in ay isbedelwaynku tallaabsadeen sanadkan bilawga ah.
“Run ahaantii intii uu Saylac ka bilaabmay mashruuca EPHS-ka waxaa noo suurta gashay inaan bixino adeeg caafimaad oo dhamaystiran,waxaa kor loo qaaday adeegii caafimaadka ee M.C.H-ka  waxaa naloo qalabeeyay qaybaha kala duwan ee adeeg bixinta caafimaadka sida:qolalka dhalmada oo la dhigay qalab dhamaystiran,waxaa xusid mudan in shaqaalaha la siiyay tababaro xirfadeed oo markii u horraysay lanoogu qabtay magaalada Saylac,waxaa kale oo la soo kordhiyay xirfadleyaal  caafimaad.”ayuu yidhi Madaxa Caafimaadka degmada Saylac ee Gobolka Selel
Waxaa kale oo uu sheegay in ay  sameeyeen koox kalkaaliyeyaal  Caafimaad ah oo ka hawl gasha meelaha miyiga  ah ee ka baxsan magaalada Saylac oo uu tilmaamay in ay ugu talo galeen u gar gaaridda hooyada iyo dhallaanka aan soo gaadhi karin goobaha caafimaadka degmada Saylac.
“Sidoo kale waxaan joogtaynay koox u gaar ah gaadhsiinta goobaha ka fog xarunta caafimaadka Saylac,IILAAHAY mahadii waxaan qaadnay tallaabo wax ku ool ah,waad arkaysaa hadda waxaa is daba taxan bukaano na soo booqday sidoo kale waxaad arkaysaa hawl wadeenada xarunta oo si hufan ugu adeegaya bukaanada waan ku faraxsanahay inaan sidan iyo si ka fiican ugu adeegno dadka bukaanka ah ee goobaha  caafimaadka ee aan bulshada.”
Geesta kale qaar ka mida hooyooyinka soo booqday xarunta caafimaadka Saylac oo aanu dareenkooda wax ka waydiinay ayaa sheegay inay muddooyinkii u dambeeyay adeeg joogto ah iyo shaqaale aqoonle ka helaan Xarunta Caafimaadka Saylac.
By: Maxamed Cawaalle
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply