Teresa: “ Waxaan Khaati Ka Joogsaday Dagaalkiisa”

0
406

Wargeyska Daily Mail ayaa daabacay in gabadh u dhalatay Ingriiska ay odaygeeda ku shubtay biyo kulul ka dib markii ay murmeen. Islaantan oo lagu magacaabo Taresa ayaa sheegtay in odayga oo 60 sano jir ah ay  khaati ka joogsatay murankiisa iyo doodiisa, isagoo mararka qaarkoodna hanjabaad ii raacinayay ayay tidhi.  Waxaan ka dalbaday inu ifuro taasina wuu iga diiday, mana ogola inaan ku nolaado nolol degan. Islaantan oo 55 jir ahaa ayaa intaasi ku dartay inay xakamayn kari weyday cadhadeeda, ka dibna ay ku shubtay biyo kulul oo ay markii hore ugu talo gashay shaah ay karinaysay ka dib markii ay ku dul murmeen goobtaasi. Dhabarkiisa iyo madax ayay biyahaasi ka gaadheen. Waxaan loola cararay dhakhtarka. Islaantan ayaa la xidhay iyadoo lagu eedaynayo inay gashay dil ula kaca.

Leave a Reply