Caanaha Naaska Hooyada Oo La Ogaadey Inay Maskax Ahaan Iyo Caafimaad Ahaanba Ilmaha U Wanaagsan Yihiin

0
398

Daraasad cusub oo ay sameeyeen khubaro u dhalatay wadanka Brazil ayaa lagu sheegay in caanaha naaska hooyada oo caruurta la siiyo muddo dheer ay keento maskaxdooda oo noqota mid furan ,sidoo kalena fikirkoodu noqdo mid keena natiijo ka fiican kuwa aan naaska cabin natiijooyinka ay keenaan markay fikiraan.
Warbixintan ayaa lagu daabacay wargeyska lagu magcaabo The Lancet Global Health oo kasoo baxa wadankaasi Brazil,isaga oo intaasi ku daray in caanuhu ay sidoo kalena saamayn ku yeeshaan mustaqbalka dambe ee ilmahaasi marka uu weynaado.
Hay’ada WHO oo ah mid caafimaadka adduunka qaabilsan ayaa aad u boorisay daraasadan ,iyada oo sheegtay in caanaha naasku yihiin kuwa keliyaata ee badbaadin kara ilmaha yar ,sidoo kalne caafimaad wanaagsan uu ka heli karo.
Waxaanay kula talisay in ilmaha naaska la siiyo ilaa uu gaadhaayo 6 bilood ugu yaraan,iyada oo intaas raacisay  in caruurta adduunka ay ka faa’idaystaan caanahaasi wax ka yar 40% caruurtaasi kamid ahi.
Daraasadan ayaa sidoo kale lagu soo ururiyey daraasado hore oo ay sameeyeen jaamacaddo kale,gaar ahaana jaamacadda Pelotas Brazilian oo wadankaasi ku taala,taas oo lagu sameeyey dad aad u tiro badan ,gaadhaayana tiro ahaan 3500 oo qof ,kuwaas oo caanaha naaska la siinaayey ilaa saddexdii sanno ee ugu horeeyey,waxaanay khubaradu sheegeen inay ka caafimaad badan yihiin dadkaasi kuwa aan naaska hooyadood caano ka helin.
Daraasadan ayaa ugu dambayntii lagu sheegay in caruurta muddo hesha caanaha naaska hooyadu ka caqli iyo maskax fiican yihiin kuwa aan helin caanaha naaska hooyada,gaar ahaana dhinaca fikirka iyo waxbarashada.

Leave a Reply