UCID Oo Fulaynimo Ku Tilmaamay Xisbiga WADDANI Oo Qaadacay Dood TV-ga Qaranku Ku Marti-qaaday

0
391

Hargeysa (DAWAN)- Xisbiga mucaaridka ah ee UCID ayaa ku tilmaamay fulaynimo xisbiga Waddani  oo ka soo qayb-geli waayay dood lagaga hadlayay doorashooyinka oo  todobaadkii hore uu qabtay Telefishanka Qaranka,  taas oo ay ka soo qayb-galeen labada xisbi ee Kulmiye iyo  UCID.
 
Guddoomiye ku xigeenka 3-aad  ee xisbiga  UCID Md.  Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray)  oo ka soo qayb-galay doodan uu ku maquurtay xisbiga Waddani ayaa waxa uu sheegay in aanay munaasib ahayn in xisbiga Waddani ka soo qayb-gali waayo doodaas, maadaama ay ku andacoon jireen in aan loo ogolayn Telefishanka Qaranka.
 
“Horta aad iyo aad ayaad u mahadsan tihiin,  maanaan filayn anaga (UCID) laftigayagu in Telefishanka Qaranku marti-qaad noo fidiyo oo dhinacyadii ay khusaysay doorashooyinku ay kulmaan oo ay ka doodaan  oo ay ra’yigoodana kala duwanna iyo mid waliba sida uu wax u arkayo uu ka sheego TV-ga Qaranka,”ayuu yidhi Guddoomiye Ku Xigeenka UCID.
 
 
Guddoomiye Ku xigeenka saddexaad ee UCID, waxa uu sheegay inaanay is-qabanaynin in mucaaridku ku cawdaan inaan loo ogolayn inay ka hadlaan TV-ga Qaranka, marna ay diidaan, waxaanu yidhi, “Mucaaridku mar walba way ku cawdaan in xukuumadda tallada haysaa gaar iskaga yeelato, imikana waa lagaga cawdaayoo  annaga oo mucaarid ah, waxa aanu ku caban jirnay in aan naloo ogolaan in aanu ka hadalno Telefishanka Qaranka, waanan qabaa inay ahayd inay yimaadaan dooda waayo kolna haddii aan ku cabano nalooma ogola, kolka naloo ogolaadana nidhaa iman mayno. Labadaas fikradood  in aan dhinac  isku guurno weeye.
 
“Mida kale anigu waxa aan taaganahay geestayda waa fulay ninkii goob ka saahida, markaan arko in aydaan dhex ahayn tallo dambe aan gaadho.Laakiin fursada  ugu horaysa ee aad bixiseen (TV-ga qaranka)  waa in aanu  soo dhawayno oo aan idinku dhiiri-gelino in aad noo yeedhaan oo  wasiirrada iyo xisbiga la doodno oo wax baynu wadda leenahay mucaarid iyo muxaafid in aynu wada doodno waa siyaasada xisbiga UCID,”ayuu yidhi Cali Guray.
By: Khadar M. Dhako
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply