Jimcaha Oo La Filaayo in Wadamo Caalamka Kamid Ah Lagu Arko Cadceed Madoobaad

0
399

Culimada sadaasha iyo xidigiska ayaa sheegay in jimcaha uu ka dhici doono wadamo kamid ah kuwa jasiiradda Carabta iyo qaarada Afrika qaybta Carabida ku hadasha qorax madoobaad,taas oo ku beegan 20 bisha March oo ah maalinta Jimcaha ah.
Kooxahan ayaa sheegay in qorax madoobaadkani noqon doono mid gebi ahaanba la waayo cadceeda,iyada oo dayaxu dabooli doono dhamaan cadceeda,taas oo noqon doonta tii ugu horeysay ee abid la arko intii dunnidani jirtay,waxaanay intaas raaciyeen in meelaha kale ee caalamkana qaybo kamid ah ay madoobaan doonto cadceedu,halka kuwo kalena aanay dareemi doonin.
Cadceed madoobaadan ayaa marba marka ka dambaysa sii yaraan doona siday sheegeen ,isaga oo qaadan doona waqti dheer inay wada cadaato cadceedu,waxaanay soo saareen maam ay ku sawireen meelaha uu sida weyn u samayn doono khubaradaasi.
Wadamada ay cadceedu wada madooban doonto waxa kamid ah wadanka Sucuudiga,Masar,Suuriya,Urdun,Ciraaq,Lubnaan,Marooko iyo Liibiya.
 
 
 
 

Leave a Reply