Khubarada Caafimaadka Oo Ka Digay Fadhiga Badan

0
381

Qaar kamid ah khubarada dhinaca caafimaadka ayaa ka digay fadhiga badan ee dadku inta badan ay fadhiistaan ama fadhiyaan,iyaga oo sheegay in loo baahan yahay in 15 minute ba la kaco lana socdo .
Kooxdan ayaa aad uga digtay in la cabo,la cuno ,layskana fadhiyo,gaar ahaana dadka sigaarka caba ayay digniin adag u direen,iyaga oo sheegay  inay taasi keento caafimaad daro baahsan.
Waxaanay sheegeen in daraasad ay dhowaan sameeyeen oo lagu sameeyey jaamacadda  Wisconsin Medicine University  in xanuuno badan ay ka heleen dad ay ku sameeyeen tijaabooyin kala duwan,kuwaas oo in muddo ah fadhiyey,gaar ahaana saacado xidhiidh ah.
Khubaradan ayaa sheegtay in saacado badan oo gaadhaaya ilaa 12 saacadood oo xafiisyada la fadhiyo ama Televisions ka la daawada inay keento wadne xanuun iyo xanuuno kale oo bawaasiirtu kamid tahay.
Waxaanay sheegeen inay aad u fiican tahay in la sameeyo jimicsi ,dhinaca Sports ka ah,halkii layska fadhiyi lahaa,xataa haddii la fadhiyona waa in socod la sameeyaa ayay yidhaahdeen khubaradani.
Khubaradan ayaa sheegay in saacadaha fadhiga oo la yareeyaa inay u fiican tahay caafimaadka,sidoo kalena saacad kasta in la socdaa qaybo kamid ahi inay caafimaadka u wanagsan tahay.
Waxaanay daraasadan ku sheegeen in xanuunada ka dhasha fadhiga badan oo uu ugu badan yahay wadne xanuunku ay keento dhimashada ugu badan caalamka,taas oo ay sannad walba u dhintaan dad gaadhaaya 23 million oo qof,gaar ahaana xanuunada faaliga iyo wadne xanuunka.
 
 

Leave a Reply