Maxaad Ka Taqaanaa 7 Waddan Ee Caasimadohooda la Bedelay Intay Jireen?

0
435

Dawlada dalkaasi Masar ayaa noqotay dawladii ugu dambaysay ee go’aansata inay bedesho caasimad ay muddo lahayd oo talada dalka laga soo saaraayey,waxaanay ku dhawaaqday inay u rarayso caasimadeeda meel ka baxsan caasimada hada ee Qaahira.
Haddaba waxa liiskooda lasoo saaray wadamada caasimadohooda bedelay,kuwaas oo gaadhaaya toddoba wadan,waxaanay kala yihiin sidan:-
1:Nigeria:waxay caasimadeedu ahaan jirtay magaalada Lagos ee wadankaasi ,waxaana halkaasi laga bedelay sannadkii 1991 kii,iyada oo loo bedelay magaalada Abuja.
2:Minya Mar:waa wadankii hore loo odhan jiray Barma oo isaga laftiisa laga wada bedelay magiciisii hore kan haddana loo bixiyey,waxaanay caasimadoodu hore u ahaan jirtay Rango magaalada la yidhaahdo,iyada oo loo bedelay caasimada magaalada lagu magcaabo Rangon oo ay maamulka Military-ga ah ee wadankaasi qabsaday u bedelay sannadkii 2005tii.
Waxaana la bedelay sidoo kale magicii magaalada oo laga dhigay Nibodio oo ah mageceeda cusub ee hadda la yidhaahdo.
3:Ruush-ka :waxaa caasimadiisu hore u ahaan jirtay magaalada lagu magcaabo St. Petersburg,waxaana markii dambe loo bedelay magaalada Moscow oo ay hadda tahay,iyada oo magaalada hore la aas aasay sannadkii 1703,waxaanay caasimad ahayd intii u dhaxaysay sannadihii 1712 ilaa 1918.
4:Brazil:waxaa caasimadeedii hore ahayd Soa Paulo,waxaana laga dhigay magaalada Brazilia oo ay ilaa hadda tahay,waxaana la dhisay caasimadan maanta sannadkii 1960 kii.
5:Kasakhastaan:waxaa wadankan caasimadiisii hore ahaan jirtay magaalada  Almaty,waxaana loo bedelay magaalada  Astan oo ah caasimada waqtigan ee wadankaasi .
6:Tansania:waa wadan kamid ah qaaradan Afrika,waxaana caasimadiisa hore ahaan jirtay Darasalaam,inkasta oo ay wasaaradaha iyo safaaradaha kuwo badan oo kamid ahi ilaa maanta ku yaalaan magaaladaasi ,haddana dawladu waxay degan tahay magaalada Dodoma oo ah caasimada cusub ee wadankaasi.
7:Ivory Coast:waxa isna wadankan caasimadiisii ugu horeysay ahaan jirtay Abidjan oo ilaa hadda ah magaalada ugu caansan wadankaasi,waxaana caasimada ka bedelay mid kamid ahaa dadkii cadaanka ahaa ee wadankaasi deganaa oo ka dhigay magaalo kale oo lagu magcaabo Yamoussoukro oo ah mid wadankaasi kamid ah aadna u weyn.w
Waxaana la dhisay sannadkii 1983 ,iyada oo uu bedelay ninkii lagu magcaabi jiray  Felix Houphouet Boigny.
 
 
 
 

Leave a Reply