Mahdi Cismaan Buuri oo Jawaab Ka Bixiyay Hadalo Ka soo Yeedhay Xubno Beeshiisa ah oo ku Biiray WADDANI

0
354

Hargeysa (Dawan)- Wasiir ku xigeenkii hore ee wasaaradda caafimaadka Somaliland Mahdi Cismaan Buuri ayaa jawaab kulul ka bixiyay hadal ka soo yeedhay xubno ka mid ah beeshiisa oo dhawaan ku biiray xisbiga mucaaridka ah ee  Waddani, waxaanu sheegay in beeshiisu aanay Somaliland cidna magan uga ahayn.
 
Md. Mahdi Cismaan Buuri waxa kale oo uu sheegay in beelaha uu ka soo jeedo ee Gabooye aanay ahayn beelo meel qudha ku wada dhammaan kara, isla markaana beesha uu ka soo jeedaa ay ka kala tirsan yihiin saddexda xisbi qaran ee dalka ka jira.
 
“Horta beelaha aan ka soo jeedo maaha beel meel qudha ku wada dhammaan karta, qofkuse ikhtiyaarkiisa ayuu qabaa ama aragtidiisa gaarka ah.
Beelaha aanu ka soo jeednaa saddexda xisbi qaranba way ku jiraan, xisbiga UCID way ku jiraan, xisbiga WADDANI way ku jiraan, anigu xisbiga KULMIYE ayaan ku jiraa, cidina meel kuma wada dhamaato,”ayuu ku dooday Mahdi Cismaan Buuri oo shalay u waramayay wargeyska DAWAN.
 
 
Wasiir ku xigeenkii hore ee caafimaadku waxa uu sheegay in isaga iyo dad badan oo kale ay ku jiraan xisbiga KULMIYE, Waxaanu yidhi “Qolooyinkaa dhawaan ku biiray Waddani waxaan u arkaa in ay dantoodu ku jirto, annaguna waxaanu  ku jirnaa xisbiga KULMIYE oo aanu u arragno in ay dantayadu ku jirto, qasabna maaha in ay dadku isku ra’yi noqdaan,  laakiiin tolnimadu way naga dhaxaysaa.”
 
Mudane Mahdi Cismaan Buuri waxa uu sheegay in ay jiraan tabashooyin ay qabaan beelaha uu ka soo jeedo waxaanu madaxweynaha u soo jeediyay in uu wax ka qabto tabashooyinkaas, waxaanu yidhi “Waxaanse ku raacsan nahay qaybo badan oo ah tabashooyinka beelaha aanu ka soo wada jeedno ay qabaan. Madaxweynaha Somaliland waxaanu u soo jeedinaynaa in uu sida ugu deg-dega badan wax uga qabto. Beesha aanu ka soo jeednaa Somaliland cidna magan ugama aha, Somaliland na waa dhulkoodii hooyo,”ayuu yidhi Mahdi Cismaan Buuri.
By: Idiris M.Xasan
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply