Lamaanahan Keebaa Khiyaamo Samaynaya?

0
367

Lamaane nin iyo gabdh ah ayaa ku heshiiyay inay mar wada dhintaan. Si haddaba taasi ugu suurta gasho waxay go’aansadeen inay dhisme dabaq dheer ah isku mar iska soo wada tuuraan, si mar keliya ay dhulka ugu wada dhacaan oo dhintaan.
Maalntii balanka ayay Sartaasi dheer koreen ka dibna waxay u diyaar garoobeen inay mar ka wada boodaan, si ay dhulka isku mar ugu dhacaan oo u wada dhintaan hal mar keliya. Waxay bilaabeen diyaar garawgii iyo dhawaaqa bilowga  1, 2, 3. Gabadhii ayaa isa sii daysay laakiin ninkii ma dhaqaaqin wuxu sii eegayay gabadha iyo sida ay dhulka ugu dhacdo. Nasiib wanaag dhexda ayay iyana baarashuud gacmeed lakala baxday oo si nabad ah dhulka ku tagtay. Labadan lamaane keebaa la odhan karaa wuxu ahaa khaa’in kan kale khiyaamaynayay?

Leave a Reply