Maraykanka oo Dib u eegaya siyaasadiisa ku wajahan Israa'iil

0
316

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa Ra’iisal wasaaraha Israel Benjamin Natinyahu u sheegay in Maraykanka uu dib u eegayo siyaasadiisa ku aadan Israel kaddib markii uu Natinyahu balan qaaday in aanu ogolaan doonin in la abuuro dowlad ay leedahay falastiin balanqaadkaas oo uu sameeyey intii uu ku guda jiray ololaha doorashada.
Obama ayaa telefoon kula hadlay Natinyahu si uu ugu hambalyeeyo guusha uu ka gaadhay doorashada laba maalin kaddib markii lagu dhawaaqay natiijada doorashada.
Hasayeeshe Natinyaahu ayaa u muuqda haatan in uu ka noqday balanqaadkiisi waxa uuna sheegay in uu aqbalayo laba dowladood oo israel iyo falastiin ah, balse shardi uga dhigay in xaaladda amaanka ay is badesho.
 

Leave a Reply