Madaxweynaha Nayjeeriya oo Bil u Qabtay Boko Xaraam

0
327

Madaxweynaha Nigeria Goodluck Jonathan ayaa sheegay in uu aaminsanyahay in Boko Xaram laga saari doono dhamaan degaanada gacanta ugu jiro muddo bil gudaheed ah.
Madaxweynaha ayaa hadalkan jeediyay xili uu isu diyaarinayo doorasho lagu wado in Nigeria ka dhacdo toddobaadka soo socda, waxa uuna dadaal ugu jiraa sidii dib loogu soo dooran lahaa.
Waraysi gaar ah oo uu BBC-da siiyey ayuu Jonathan ku qiray in ciidamada ammaanka ay si gaabis ah uga jawaab bixiyeen weerarada Boko Xaram, weeraradaas oo ay ku dhinteen kumanaan kun oo qof.
Balse waxa uu sheegay in kaalmada uu dalkiisa ka helay waddamada deriska ay ka caawisay in kooxdaasi laga saaro magaalooyin iyo tuulooyin badan.
Doorashada dalka Nigeria waxaa lagu wadaa in ay dhacdo 28-ka bishan.

Leave a Reply