Yemen: Qaraxyo Masaajid oo lagu Dilay ka ka Badan 100 Qof

0
365

Laba masaajid oo ku yaal magaalada Sanca ee dalka Yaman ayaa weerar is qarxin ahaa waxaa lagu dilay ugu yaraan 126 qof, waxaana lagu dhaawacay tiro kale oo badan.
Dadka oo ku  tukanayay salaadii duhurnimada masaajidada Badr iyo al-Hashoosh ayaa afar miidaamo ahi isku qarxiyeen.
Masaajidada la weeray ayaa waxa badanaa isticmaali jirey taageeryaasha shiicada  Zaidi ee ay hoggaamiyaan  fallaagada Xuutiyiinta ee ka taliya Sanca.
Daacish  laanteeda Yaman oo la shaaciyay Nofembar ayaa sheegatay in ay ka danbeeyeen weerarada.
Dhinaca kale  Dagaal xoggaan oo ka dhacay Koonfurta Yeman ayaa xidhay Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada dekedda ah ee Cadan.
Wararka ayaa sheegay  in dhowr madaafic ah ay ku dhaceen goroonka isla markaana dad rakaabka ah lagu amray in ay ka soo degaan diyaarad u duuli la hayd magalada Qaahira.
Magalada Cadan ayaa xarun u ah madaxweyne Cabdurabbuh Maansuur Haadi, kaaso ka baxsaday magalada casimadda ah ee Sanca, halkaasi oo u ku jiray xabsi guri kaddib markii ay halkaasi si buuxda gacanta ugu dhigtay Jabhadda Shiicada ee Xuutiyiinta.
 
 
 

Leave a Reply