Fadeexad Ka Dhalatay Shir-gudoonka Wakiiladda oo Dib u Dhigay Xeerkii Lagu Soo Dooran Lahaa Golahooda

0
392

Hargeysa (DAWAN)- Shir-gudoonka Golaha Wakiiladda  ayaa   ugu dambaysiiyay  Qoddob la xidhiidhay xeerka doorashadda Golaha Wakiiladda   oo ku jiray  ajandaha Kal-fadhiga 27-aad, oo Xildhibaanadu cod aqlabiyad ah ku meel-mariyeen, isla markaana ku baaqeen inuu xeerkaasi  ka mid noqdo qodobbada ugu horeeya ee Goluhu  falan-qeeyo inta lagu gudo-jiro kal-fadhigan. Waxa masuuliyada fadeexadan dusha ku qaatay Guddoomiye Cirro iyo labadiisa Ku-xigeen.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan, oo  ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiiladda ayaa fool xumo weyn ku tilmaamay tallaabadan dib loogu dhigay  xeerkii lagu soo dooran lahaa Golaha oo xildhibaanadu ay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen, waxaanu Xildhibaanku ku dooday in  Guddoomiye Cirro looga baahan yahay inuu ogaado waxa Golihiisa ka socda, inta aanu doonin mansab madaxweynenimo.
“Ajandaha dhawaan markii la soo hordhigay Golaha Wakiiladda,  xildhibaanada badankoodu waxay u codeeyeen inuu xeerka ugu horeeya ee laga doodayaa noqdo ka  doorashadu ku xidhan tahay, maadaama  oo aanu muddo dhaaf nahay, Halkii aanu ka filaynay in shir-guddoonku soo dhigo xeerkii Golaha Wakiilada ee ajandaha 27-aad ku jiray, waxa lagu soo qoray xeerka duulista hawada.
Xeerkii Goluhu u codeeyay ee muhiimka ahaa ee mucaaradku xukuumadda ku maagayeen, shir-guddoonku xeerkaa dib ayuu u dhigay, markaa su’aashu waxay tahay maxaa sababay in xeerkii mudaneyaashu isku raaceen dib loo dhigo, arrin la yaab leh weeye,  waxaanan ka doonaynaa jawaabteeda shir-guddoonka sababta keentay in ajandihii mudaneyaashu u codeeyeen si ka duwan loo keenay Golaha Guddoomiyaha Golaha ayaa eedu fuulaysaa,  waana ixtiraam darro wixii Mudaneyaashu u codeeyeen, wax ka duwan la keeno iyadoo doorasho laga hadlayo,”ayuu yidhi   Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan oo shalay u waramayay wargeyska DAWAN.
Xildhibaan Cartan oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi “Haddii maanta doorashadu dib u dhacdo Golaha Wakiiladda ayaa ka mas’uul ah, waxa ka socda Golaha waa wax aan la aqbali Karin oo fool xumo ah ayaa ka dhacaya, hase yeeshee waa in la ogaadaa cida waxan ka dambaysa. Guddoomiye Cirro-na inta aanu bado kale gelin oo xukuumadda eedayn,  waxa Golihiisa ka socda ha ogaado, haddii aanu ka war-hayn, waxa Golihiisa ka socda ma qaran ayuu ku hagaagayaa.”
Xildhibaan C/raxmaan Yuusuf Cartan waxa kale oo uu sheegay in Golaha Wakiiladdu  mas’uul ka yahay dib u dhaca ku yimid doorashada, waxaanu  yidhi “Xeerkii Golaha Wakiiladda diyaar maaha, haddii ay  dib u dhacdo   doorashaddu,   Golaha wakiiladda ayaa ka mas’uula ee aan ka midka ahay, eedna waan ku leeyahay, haddii ay shir-guddoonka tahayna iyagaa ka mas’uul ah, in toban sanno aanu  xeerkaasi diyaar ahayn, cida muddo dhaafka ahina waa Golaha Wakiiladda, maaha xukuumadda.”
 
Geesta kalena Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo ah hoggaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa inta badan xukuumadda ku eedeeyay doorashada dib u dhacday oo uu isagu ka shaqaynayo inuu curyaamiyo dedaalada lagu qabanayo doorashooyinka, waxaanu dabada hayaa dhammaan xeerarka la xidhiidha doorashooyinka.
Waxase tallaabadani shirgudoonku ugu dambaysiiyeen qoddobkii la xidhiidhay xeerka doorashadda ee Xildhibaanadu ku baaqayeen inuu ka mid noqdo qodobbada loogu horeysiiyo, ayaa shacbiga soo xasuusinaya fadeexadii dabo-yaaqadii sanadkii hore uu Guddoomiyaha Wakiiladdu wax kaga bedalay, kuna foojariyeeyay xeerkii diiwaan-gelinta madaniga iyo codbixiyeyaasha oo uu nuqul uu ku gabood-falay u gudbiyay Golaha Guurtida, taasi oo xiisad weyn ka dhex abuurtay habka isku gudbinta xeerarka ee labada aqal ee baarlamaanka Somaliland.
By: Khadar Maxamuud Cismaan
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply