Sanadkii 1941 wakhtigaasi oo la qabtay xafladii lagu furayay Biriish ku dalka Kanada ayaa dadkii ka qayb galay waxa ku jiray nin xidhan dhar aan wakhtigaasi la xidhan jirin, oo cusbaa, waxa kale oo uu sitay kamarad casri ahayd oo wakhtigaasi aanay wariyayaashu haysan. Waxaana uu xidhnaa murayaad aan wakhtigaasi la isticmaali jirin sida sawirkiisa ka muuqata. Maalintaasi waxa loo haystay inuu yahay nin safar kaga yimi meel kale si uu xafladda uga qayb galo. Laakiin ilaa wakhtigan la joogo sawirkaasi laga hayo mooyee lama arag muuqaalka ninkaasi mar danbe warna looma hayo halka uu ka yimi iyo meesha uu ku noqday midna, waxaana laga soo qaaday inuu ahaa Shaydaan xafladda ka soo qayb galay. Waxa kale oo jira ariimo badan oo sidan oo kale loogu wareeray oo aan ilaa hadda loo helin haba yaraatee wax tafsiir iyo macno buuxa ah sida kuwan soo socda: Magaca Jack Ripper oo ah qof loo haysto inuu geystay boqolaal dil tan iyo sanadkii 1988 welina aan la garan halka uu ka soo jeedo kuna sugan London. Laymanka Nasaka kuwaasi oo ah dhagax weyn oo 80 Km koonfur ka xiga dalka Peru.