Hargeysa (Dawan) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa qoraal uu u kala diray Shir-gudoonka labada Gole Guurtida iyo Wakiillada oo uu kaga dalbaday inay Sabtida fooda innagu soo haysa iskugu yimaadaan fadhi wada jir ah oo uu Xildhibaanada labada aqal ugu jeedinayo khudbad sannadeedkii dastuuriga ahayd ee uu ugu tallo-galay sannadkan 2015-ka.
Sidaasna waxa laga caddeeyay fadhigii shalay ee Golaha Wakiiladda oo uu Guddoominayay Guddoomiye C/Raxmaan Cirro, waxaana Xildhibaanada fadhigaas looga akhriyay qoraalka madaxweynuhu u soo qoray shir-gudoonka labada gole.
Waraaqda madaxweynaha waxa Golaha u akhriyay Xoghayaha guud ee Wakiiladda C/Risaaq Siciid Ayaanle, waxaanay u dhignayd sidan:-“Mudaneyaal, Aniga oo cuskanaya qodobka 46aad ee dastuurka Jamuuriyada Somaliland, waxaan si sharaf iyo qadarin mudan idiinku baaqayaa inaad iskugu timadaan fadhi maalinta Sabtida oo bishu tahay 28 bisha 3-aad ee 2015ka.
Maalintaas waxaan jeedin doonaa khudbad sanadeedkii dastuuriga ah labada gole hortooda ee 2015-ka, waxaanan idinka codsanayaa inaad ka hawl gashaan arrintan inaad ka soo qayb gashaan sidii shirku u qabsoomi lahaa fadhiguna waxa uu si wada jir ah uga qabsoomayaa aqalka Golaha Guurtida Somaliland.”
Gudoomiyaha Golaha wakiilada ayaa xildhibaanada golahaas ugu baaqay inay soo ajiibaan oo ay ka soo qeyb-galaan fadhigaas muhiimka ah. Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu noqonayaa madaxweynihii ugu horeeyay ee sanad walba iska guda khudbad sanadeedka dastuurku jideeyay inuu ka hor akhriyo labada aqal ee baarlamaanka Somaliland Guurtida iyo Wakiiladda, iyadoo madaxwynuhu sanad kasta uu fuliyo waajibkaas dastuuriga ah.
Dhinaca kale Gudoomiyaha Wakiilada Md.Cabdiraxmaan Cirro ayaa xildhibaanada ku war-galiyay in ay golaha hor iman doonaan masuuliyiinta wasaarada duulista iyo hawada oo xildhibaanada qaar codsadeen in wax laga waydiiyo kaabista xeerka duulista hawada Somaliland oo Golaha Wakiilada hor yaalla.
Xeerkan ayaa waxa uu ka kooban yahay 16 qodob, kuwaas oo si mug leh u axadhaya nidaamka maamulka duulimaadyada hawada Somaliland. Xeerkan ayaa waxay dooddiisu bilaabmi doontaa marka warbixin laga dhagaysto masuuliyiinta wasaaradda duulista hawada. Xildhibaanada golaha wakiilada oo ku gudo jira qodobada ajandaha kal-fadhiga 26aad.
By: Jamaal C/raxmaan Macalin
Dawannews Hargeysa office
Home Wararka Dalka Madaxweynaha Somaliland Oo Khudbad Sanadeedkii Dastuuriga ahaa Ka Hor Jeedinaya Labada...