Fadeexad iyo khalad aad u xun ayaa ku keenay qalabka digniinta ee jeelka weyn ee gobolka Arison ee dalka Maraykanka habeenkii Sabtida ahayd. Qalabkan ayaa diray kumanaan fariimood oo ah in la sii daayo maxaabiis badan kuwaasi oo uu tilmaamay inuu xadhigii ka dhamaaday. Wakhtigaasi oo lagu war helay iyadoo la diyaarinayo sii daynta kooxo denbiyo waaweyn galay oo diyaar u ah inay ka baxaan jeelka. Waxaana halkaasi ka dhashay dareen shaki leh oo la xidhiidh sii daynta maafiyadaasi. Wakhtigaasi lagu jiray diyaarinta sii dayntooda ayuu Maamulka Ciidanka Asluubta ogaaday soona saaray bayaan ay ku cadaynayaan inay jirto cillad ku timi qalabka sida joogtada u bixiya macluumaadka maalin laha ah ee maxaabiista xidhan iyo wakhtiga sii dayntooda. Maamulka ciidanka Asluubta aya sheegay inay heshiis la galeen shirkadda Apris si ay cildaaasi uga saarto qalabkaasi. Waxaana ay raaligelin siiyeen dadkii ehelada ahaa iyo maxaabiistii heshay fariinta sii daynta ee beenta ahayd.