“Ninkaa Waxaanu u Xidhnay Wuxuu Doonayay In Uu Somaliland Ciyaartoy Ka Kaxaysto Oo Uu Xamar Geeyo”

0
352

Berbera(Dawan)-: Wasiirka Wasaaradda Ciyaaraha Dhalinyarada iyo Dalxiiska Somaliland Axmed Cabdi Kaahin,ayaa sheegay in ay tallaabo adag ka qaadayaan  sharcigana marin doonaan nin lagu magacaabo Maxamed Faarax Cajab  oo ka tirsan tababarayaasha dawladda Muqdisho oo Hargeysa lagu xidhay.
Waxaa kale oo uu Wasiirka Dhalinyarrada Somaliland intaa ku daray in ninka laxidhay uu watay qorshe ah in uu ciyaartoyga Somaliland ee Wasaaradda ka diiwaan gashan sidii uu Xamar u gayn lahaa uguna ciyaari lahaayeen magaca Soomaaliya, taasoo uu tilmaamay inay tahay xad gudub iyo dambi  qarankan ninkaasi ka galay.
 
Wasiirka  oo isagoo ku sugan xarunta Gobolka Saaxil ee Berbera xalay khadka tilifoonka ugu waramay Wargeyska Dawan,ayaa yidhi “Ninkaasi wuxuu ka tirsan yahay madaxda ciyaartoyga Soomaaliya waxaanu ka yimi  magaalada Muqdisho waxaanuwaday qorshe ah in uu Somalialnd ka kexeeyo ciyaartooy xirfadleyaal ah oo Wasaaradda  Ciyaaraha u diiwaan gashan arrintaana daba gal ayaanu ku samaynay markii dambena waxaanu ku guulaysanay in aanu ninkaa qabano waanu xidhan yahay.”
Wasiirka oo aanu waydiinay tallaabada tan xigta ee ay qaadayaan,ayaa ku jawaabay. “Horta imika waxaanu ku guulaysanay in aanu soo qabano ninkaasoo wada qorshe uu isugu darayo Somaliand iyo Soomaaliya oo laba dal kala ah  markaa baadhistii ayaa ku socota marka uu ku caddaado kiiska aanu u xidhnayna waxaa la marin doona sharciga.”ayuu yidhi Wasiir Axmed Cabdi Kaahin.
By: Faysal Xiis Weerar(Afgaab)
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply