Xafiiskii Gobolka Maroodijeex Oo Loo Raray Dhismihii Hore Ee Wasaarada Arrimaha Guddaha

0
345

Hargeysa  (Dawan) Guddoomiyaha Gobolka Maroodijeex Maxamed Maxamuud Cali (Jeeniyare) ayaa shacabka ku dhaqan Magaalada Hargeysa iyo hay’addaha ay wada shaqaynta leeyihiin ku wargeliyay in xafiiskii gobolka loo raray dhismihii hore ee Wasaaradda arrimaha guddaha Somaliland.
Guddoomiye Jeeniyare oo shalay warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa waxa kale oo uu sheegay in Madaxweyne Siilaanyo iyo Xukuumaddiisa uu ku bogaadinayo dhismaha cusub ee ay yeelatay Wasaaradda arrimaha gudduhu.   “Waxaanu ku wargelinaynaa shacabka aanu adeegyada kala duwan u hayno iyo hay’addihii nabadgelyada  in aanu u soo guurnay halkii ay Wasaarada arrimaha gudduhu hore u ahayd ee berigii hore la odhan jiray xarunta gobolka.” Ayuu yidhi Jeeniyare Waxaanu intaas ku daray “Madaxweynaha aad baan igu mahadcelinayaa dhimsha cusub ee uu u dhisay Wasaarada arrimaha guddaha oo anagu halkii markii hore Xafiiska gobolku ahaan jiray ayaanu u soo guurnay, Wasiir Warancaddena waanu ku hambalyaynaynaa hawsha fiican ee uu hayo.”
 
By. Khaalid Xabsi
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply