“Xukuumadda Waxa ka Go’an In Wax Laga Qabto Joojinta Biyaha Roobka Ee Badda gelaya” Madaxweyne Ku xigeenka

0
429

Hargaysa (Dawan): Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (saylici), ayaa shaaca ka qaaday in ay xukuumadu ay dhawaan dejinayso   qorshe iyo is-taraatijiyad  lagaga faa’iidaysanayo, isla markaana ay ka go’an tahay xukuumadda iyo wasaaradda biyaha-ba in la hirgeliyo siyaasad lagu kaydinayo  biyaha Roobka ee Badda gala. Waxaanu sheegay madaxweyne ku xigeenku in  miisaaniyadda qaranka lagu dari doono kharashka ku baxaya sanad walba  sidii laa dejin lahaa is-taraatijiyadda  wax lagaga qabanayo biyaha Roobka, loona joojin lahaa. Taasi oo uu ku tilmaamay in ay qayb ka noqonayso horumarka la rabo in uu dalku gaadho. Madaxweyne ku xigeenku waxa uu sidaasi ka sheegay munaasibad balaadhan oo lagu xusayay  maalinta Biyaha aduunka  ee 22-ka bisha March, taasi oo shalay lagu qabtay xarunta wasaaradda Khayraadka Biyaha ee magaaladda Hargaysa. Munaasibadani lagu xusayay maalinta Biyaha aduunka oo sanadkan  Hal ku dhig   loo qaatay biyaha iyo joogtaynta horumarintooda, oo ay soo qaban-qaabisay wasaaradda khayraadka Biyaha ee Somaliland, iyo sidoo kale   hay’adaha caalamiga ah ee kala shaqeeya arrimaha dhinaca biyaha.Waxaana xafladaasi  ka soo qayb galay   xubno ka tirsan golaha wasiirrada, wasiir ku xigeeno, agaasimeyaal guud, maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargaysa, masuuliyiin ka socday hay’adaha UNICEF, PSI, CARITAS   iyo marti sharaf kale.  C/raxmaan Saylici oo ka hadlayay qorshaha xukuumadda ee ku aadan ka faa’iidaysiga biyaha Roobka,    waxa uu yidhi “Xukuumadda Somaliland iyo wasaaradda khayraadka biyaha waxa ka go’an in  wax laga bedelo arrintaasi,  waxna laga qabto sidii loo joogtayn lahaa biyaha  Roobka ee  Badda gelaya, ee iyagoon laga faa’iidaysan inaga guuraya.  qorshaha dawladu waa in la diyaariyo istaraatiijiyad qaran oo daraasad iyo qorshe ku qotama mudadda dhaw iyo mudadda dheer-ba.   sanadaha soo socda, waxaanu miisaaniyadda ku dari doonaa sanad walba kharashkii lagu samayn lahaa istaraatiijiyadaasi iyo horumarinteeda sidii biyaha soconaya ay Somaliland u joojin lahayd”. Waxaanu intaasi ku daray “Marka aynu biyaha joojino, ayaynu dalka horumarkiisa ka shaqayn karnaa, waayo dalka horumarkiisu biyo ayuu u baahan yahay, wershadihii ayaa u baahan, bani’aadamkii ayaa u baahan beerihii ayaa u baahan, meelo badan ayaa looga baahan yahay, waxaanu ku dedaalaynaa sidii biyaha loo kaydin  lahaa, dhamaanteenba waxaynu u diyaargaroobaynaa, oo aynu is-xasuusinaynaa biyuhu qiimaha ay leeyihiin in aynu ogaano, ka maanta haystaana inuu ilaaliyo, qof waliba waa inuu ogaado oo uu dareemo lexejeclada biyaha.  Waxaa  inoo balan in midkasta  oo inaga mid ahi biyaha ilaalintooda wax buu ka qaban karaa, fariintaasi ayaan maanta dadka u gudbinayaa” ayuu yidhi Md. Saylici.
Sidoo kale madaxweyne ku xigeenku waxa uu ka waramay muhiimadda  ay biyuhu u leeyihiin guud ahaanba noolaha aduunka guudkiisa ku  abuuran, gaar ahaana aadamaha, isagoo tilmaamay  sida ay lagama maar-maanka u tahay in laga faa’iidaysto biyaha Roobka.
 
Isagoo arrimahaasi ka hadlayayna  waxaanu yidhi “Sida aad la socotaan biyuhu, waa furaha nolosha iyo horumarka aadamaha, waxaanay lama huraan u yihiin dhamaanba nooc kasta oo noolaha ka mid ah,  sida xoolaha nool oo ah laf-dhabarta dhaqaalaha dalkeena, Beeraha, Wershadaha iyo adeega guud ee bini’aadamka oo dhan ayay laf-dhabar u yihiin Biyuhu.   Dalkeennu waxa uu ka mid yahay wadamadda ugu biyaha yar aduunka, inkasta oo ay  jiraan wadamo inaga sii biyo yar, oo ah wadamadda ku yaala   Saxaraha Afrika iyo kuwa Bariga Dhexe,  kuwaasi oo hella biyo ka yar kuwa aynu helno.  Waxaana ka mid ah dalka Tunisia oo sanadkii hella biyo qadarkooda lagu qiyaaso 100MM, hase yeeshee waxay gaadheen isku filaansho ay ku gaadheen iyagoo kaydsaday biyaha yar ee ay helaan. Halka aynu inagu ka hellno  intaas saddex laabkeed oo ah 350MM oo biyo ah sanadkiiba.   Taasi oo sida aad la socotaan aynu inagu ka dhibaataysanahay  oo afarta bilood ee uu Roobku da’ayo aynu badh-badhaadhnay qaadno,  laba bilood marka uu Roobku inaga maqnaadana aynu nidhaahno biyo la’aan ayaa dhacday,  ee halana soo caawiyo aynu gaadhno. Taasina waa  masuuliyad wadareed oo ina-wada saran,  biyaha intaas le’eg ee  inaga khasaara, oo aynu biyaha qabsano, oo aynu samayno  biyo xidheeno, iyadoo kolay dawladu inagu hogaamin doonta  hadana masuuliyadaasi way ina-wada saran tahay”.
Waxa kale oo uu xusay Md. Saylici in shirkii golaha Wasiirrada ee  Khamiistii todobaadkii hore lagaga hadlay qaylo-dhaanta biyo la’aaneed ee ka soo yeedhaysa goboladda dalka qaarkood, hase yeeshee maalin ka dib in hadana goboladda dalka qaarkood laga soo sheegay in Roobka Gu’ga uu ka curtay, taasina ay yarayn doonto biyo la’aantii jirtay.
“Haddii aan tusaale gaaban idin wada siiyo,  shirkii golaha wasiirrada ee Khamiistii  tododbaadkii hore warbixintii laga bixinayay waxay ahayd  Qayl-dhaanta socota, dhul badan ayaa laga soo qaylinayaa ee Biyo hala dhaamiyo.  Jimcihii oo ahayd maalintii ku xigtay wuu inoo da’ay, shalayna (doraad) wuu ku xigsiiyay. Markaa masuuliyadda ina-wada saarani waxay tahay, Hargaysa haddii aan tusaale u soo qaato waxaa ku nool 100,000 qoys, boqolkaa kun ee qoys haddii uu mid walba dareenkiisa uu ku xidhan yahay in uu biyahan iska soconaya  kaydiyo, oo qoys  kastaaba  uu 200Ltr oo keliya uu kaydsado waxay noqonaysaa  20,000M/Q,  ama toban milyan oo litir.  20,000M/Q oo maalin qudha ay Hargaysa kaydsataa  waxay bad-baadinaysaa 20,000M/Q oo biyaha dhulka ka hooseeya ah, oo inaga dhamaanaya.
Laba faa’iido ayaa taasi lagu helayaa oo kala ah mar lacag kaa bixi lahayd ayaa kuu bad-baadaysa, marna waxaad bad-baadinaysaa biyaha aadka u badan ee  ku soo baxaya suuqa, waxaad  og-tihiin oo  kale biyahaasi faraha badani waxay dhib ku yihiin dhulka, waayo Wadooyinka ayay goynayaan, ciidda ayay inaga qaadayaan. Marakaa waxaa loo baahan yahay qof kasta oo inaga mid ah   Miyi iyo magaalaba  mushkiladaasi  in aynu culays ku saarno sidii wax looga qaban lahaa, oo nin waliba inta ugu yar  ee ay awoodiisu gaadhayso, ee uu kaydsan karro in wakhtiga Roobku uu da’ayo aynu kaydsano” ayuu yidhi C/raxmaan Saylici.
Dhinaca  kale, Wasiirka  khayraadka  biyaha Baashe Cali Jaamac, oo isna munaasibadaasi hadal ka jeediyay ayaa ka waramay muhiimada ay biyuhu u leeyihiin jiritaanka nolosha iyo sidoo kale ujeedada laga leeyahay xuska munaasibadani.
Wasiirka oo arrimahaasi ka hadlayayna  waxaanu yidhi “Biyuhu waa nolosha, noloshu waa biyaha, haddii aan wax yar ka tilmaamo taariikhda maalinta loo asteeyay, waxay ahayd kal-fadhigii Qaramadda Midoobay ee sanadkii 1992, waxaa soo baxay go’aanka la iskula qaatay in 22 march ay noqoto maalinta dadweynaha aduunka ku nool inay xusaan biyaha.  sanadkana waxaa hal ku dheg looga dhigay horumarinta biyaha, si  ay u suurtogasho waxaa loo qoondeeyay in la fuliyo fariimo qaali ah oo muhiim ah iyo hab-sami u adeegsiga khayraadka biyaha iyo hogaamintooda. Qofku cunto la’aan dhawr maalmood ayuu noolaan karaa, laakiin biyo la’aan maalin lama noolaan karo, muhiimadda aynu xuskan maanta uga jeednaa waa in aynu is-xasuusino in aynu biyaha ilaashano”.
 
Isagoo ka waramayay tiradda ceel-biyood ee dalka ka jira iyo noocyadda ay u kala qaybsamaan, waxa uu yidhi “Dalkeena waxaa ka jira dhawr boqol oo ceel oo dhaadheer, iyo kuwa intaa ka badan oo ceelasha yar yare e gaagaaban ah, mid walba waxaa ku jira Bom iyo mishiin lagaga cabo, mar walbana waxaa la yidhaa wuu jabay, ma joogtayno jiritaankooda ama ma horumarino, ma ilaalino, ma dayactirno, marka ay wax jabaan ayuun baa dawlada iyo wasaarada loo yeedhaa, dawladuna waxba ma hayno ee hay’adaha aan wax weydiino, taas ayuun baa lagu jiraa”.
Baashe Cali Jaamac, waxa kale oo uu sheegay  in mudadda uu wasaaradda joogo in uu ku dedaali doono samaynta  qorshe lagu is-maamuli  kara oo lagaga baxi karro  baahida jirta, waxaanu tilmaamay in  qaabka maamul ee xarumaha biyaha ee dalka oo uu sheegay in  meello kala duwan laga maamulo  in ay u samaynayaan qorshe ah in hal meel laga wada maamulo guud ahaanba wakaaladaha biyaha dalka.
Waxa kale oo uu sheegay wasiirku in ay ku dedaali doonaan ilaalinta fayo-dhawrka biyaha dalka, isla markaana ay  qorsheynayaan sidii ay bulshadu u heli lahayd biyo nadiif ah oo aan cdurro keeni Karin.
“Waxaan  ku dedaalayaa inta aan wasaarada joogo in aanu u samayno qorshe ismaamuli kara, oo lagaga baxo baahida jirta, taasi ayaanu isla qaadanay aniga iyo madaxda  wasaaradu. Waanu ururin doonaa hawlaha biyaha oo yarro kala baah-baahsan oo dhawr siyaasadood ku kala jira, qaar DDP ah, qaar wasaaradu hayso, waxaas oo dhanba hal ayaanu isugu keeni doonaa, siyaasad cad-na waanu u samayn doonaa. waxaanu isku deyi doonaa in aanu ilaalino nooca  biyaha iyo fayo-dhawrkooda iyo tayayntooda,  biyo wanaagsan oo nadiif ah, oo  aan dadka cudur u keenaynin.  waxaan u mahadnaqayaa hay’adda  UNICEF oo wasaarada biyaha sanad walba wax aad iyo aad  u weyn tarta” ayuu yidhi Wasiir Baashe.
 
 
Sidoo kale waxaa iyaguna munaasibadaasi hadallo ka jeediyay mas’uuliyiin ka kala socday hay’adaha UNICEF iyo Caritas iyo xubno ka socday hay’adaha wasaaradda la shaqeeya,  kuwaasi oo dhamaantoodba ka waramay biyaha iyo sida ay lagama maarmaanka ugu yihiin nolosha aadamaha iyo sidoo kale waajibka ku saaran in la ilaaliyo biyaha, lana kaydiyo xilliyadda ay roobabku da’aan, iyadoo taasina lagaga badbaadayo wakhtiyada ay biyuhu yaraadaan ama jilaalka.
By: Khadar Cabdi Muuse
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply