Dalal badan ayuu werwer weyn ku haya dhulka oo iyadoo sabab aan ilaa hadda la fahmin u degaya, kaasi oo guryaha iyo gaadiidka dushiisa ka dhisan ama wakhtigaasi maraya si lama filaan ah u liqaya oo qaarkood aan laba arki Karin Khabiiro ku xeel dheer dhulka iyo deegaanku sida ay dhisan yihiin ayaa sheegay inay arintani tahay mid aan hore hore loo arag oo u baahan daraasad degdeg ah. Maxaa yeelay dhulka degayaa Maaha goobo hore u ahaan jiray godad iyo bohalo laga dul dhisay guryo. Isla markaana ma jiro dhul la dareemay oo dhacay.
Arintan ayaa halis weyn ku haysa dalal badan kuwaasi oo arinkan ku dhacay kuwaasi oo ah dalalka Maraykanka, China, Talyaaniga, Ingriiska, Mexsico iyo dalal ka tirsan Aasiya. Waxaana dalalkaasi ay sheegeen in arintani ay u baahan tahay in laga sameeyo daraasad degdeg ah inta aanay iman khasaaro ka sii ballaadhan kan hadda la arkay.