Culimada Jaamacadda Tomsk University Russia Oo Helay Nooc Cusub Oo Xayawaanka Dinosaur-ka Ah

0
383

Jaamacadda Tomsk University Russia ayaa markii ugu horeysay ku dhawaaqay inay heleen nooc cusub  oo kamid ah xayawaanka Dinosaur ka loo yaqaano,kaas oo muddo dheer aan lagu arag caalamka,kaas oo aan ilaa hadda la garanayn sida uu dalkaasi ku yimid iyo halka uu ka yimid midna.
Sidaasna waxa lagu sheegay warbixin ay koox Saynisyahano ah oo jaamacaddaasi kamid ahi soo saareen,kaas oo ay kaga hadlayaan xayawaankaasi cusub,waxa kale oo ay kooxdani soo bandhigeen sawiradda xawayaankan oo ah mid aad u dheer,dherer ahaana gaadhaaya 40 meter,taas oo laf dhabartiisu aad uga dheer tahay kuwa kale .
Kooxdan ayaa sidoo kale cilmi baadhis ay sameeyeen waxay sannadkii 2008 kii ku heleen lafo kamid ah kuwa xayawaankaasi lagu magcaabo Dinosuar ka ,kuwaas oo laga helay galbeedka webiga Kia Kemerovo oo ku yaala gobolkaasi lagu magcaabo Kemerovo,waxaanay lafahaasi usoo gudbiyeen laabka jaamacaddaasi.
Stjepan Ivantsov oo kamid ah khubaradaasi ayaa sheegay in iminka ay dhameeyeen baadhitaanadii intii ugu badnayd,dhowaana soo bandhigi doonaan lafihii ay hore u hayeen iyo sidoo kalena xayawaankan cusub ee ay heleen,kuwaas oo noqon doona kuwo cusub oo aan hore loo aqoon.
Xawayaankan ayaa ah mid noolaa waqti hore oo dunnidan ku noolaan jiray,waxaana la sheegaa inuu dunnida joogi jiray muddo dhan 171 ilaa 65 million oo sanno ka hor.
 

Leave a Reply