Dawladda Somaliland Oo Daboolka Ka Qaaday Inay Ku Diirsatay Aqoonsiga Ay ka Heshay Golaha Deegaanka Cardiff

0
320

Cardiff  (Dawan)- Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si weyn ugu mahad-celisay Golaha deegaanka magaaladda Cardiff ee xarunta gobolka Wales ee Boqortooyadda Ingiriiska oo habeen-hore fadhi ay yeesheen Somaliland ugu aqoonsaday qaran-madax bannaan. Waxaanay dawlada dhexe ee dalkooda ku booriyeen inay ka shaqayso sidii loo ictiraafi lahaa Jamhuuriyadda Somaliland oo ay ku doodeen inay xaq u leedahay go’aaminta masiirka bulshadooda.
Wasiirka khaarajiga  Maxamed Biixi Yoonis   oo hogaaminayay wefti Jamhuuriyadda Somaliland ee Ingiriiska u tagay taageerada mooshinkan, ayaa sheegay inay si niyadsami ah u soo dhawaynayaan arrintan oo ah tallaabo hore loogu sii qaaday aqoonsi raadinta Somaliland.
“Waanu la shaqeynaa dadka reer Cardiff iyo bulshada  Somaliland meel kasta oo ay joogaan, waanna shaqo loo wada dhan yahay oo qof kasta oo reer Somaliland meel kasta oo uu jooga kaga jiro kaalintiisa, aad ayaa ugu mahad-naqayaa dadka reer Cardiff iyo guud ahaan qurba jooga Somaliland ee ee Ingiriiska degan ee hawshan ka soo qayb galay iskuna soo dubo- riday laakiin xukuumada Somaliland xubin balaadhan ayay ka ahayd, waananu la shaqeynaynay, waa arrin aad qiimo weyn u leh aadna aanu ugu faraxsan nahay  tallaabada Golaha degaanka Cardiff ay ku aqoonsadeen madax-banaanida Somaliland,”ayuu yidhi Wasiirku.
Wasiir  Maxamed Biixi, waxa uu  shacabka Somaliland ugu baaqay inay aad ugu soo baxaaan xuska maalinta qaranimada Somaliland 18 may sannadkan, si dunida ay ugu baraarujiyaan madaxbanaanida Somaliland.
Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Xirsi X. Cali Xasan, oo la weydiiyay waxtarka Go’aanka Golaha deegaanka Cardif  ku aqoonsadeen Somaliland, waxaanu yidhi  “Waxaan u arkaa inay albaab  weyn u fureyso aqoonsiga, waxaan u arkaa inay qadiyada Somaliland iftiin weyn ku soo jeedinayso oo bulshada caalamka ay ka war helayaan oo ay u tahay muuqaal muujinaya ictrifaafka  Somaliland, jidka yar ayaa wadada weyn kugu rida.
Markaa aad iyo aad ayaan u qiimaynaynaa una soo dhaweynaynaa aqoonsigan aanu ka helnay Golaha deegaanka Cardiff oo aan iyagana si weyn ugu mahad celinay, abaal-na ugu hayno.”
Gudoomiye ku xigeenka Golaha Wakiilada Somaliland Baashe Axmed Faarax, ayaa sheegay in aanay Jamhuuriyadda Somaliland ka daalaynin dedaal kasta oo ay caalamka ku dhacsiinayso qadiyadeeda.“Waajib ayay ku tahay muwaadin kasta oo Somaliland ah meel kasta oo uu joogo inuu ka yahay safiir qarankiisa wakiil uga ah.  Qaran ahaan waynu daba soconaynaa kamana daalayno sidii aynu caalamka uga heli lahayn aqoonsi buuxa oo dublamaasiyadeed,”ayuu yidhi Md. Baashe Maxamed Faarax.
Guddoomiye Baashe Maxamed Faarax waxa uu ugu baaqay qurbo-jooga reer Somaliland ee dalalka Afrika inay wadamada ay ku dhaqan yihiin ka bilaabaan xarakaad ay aqoonsi ugu raadinayaan Somaliland. “Jaaliyadaha ku dhaqan dalalka Afrikaankuna waxaanu ku boorrinaynaa inay ku daydaan Jaaliyadaha Ingiriiska oo ay dalalka ay ku dhaqan yihiin ka bilaabaan dedaalo noocan oo kale ah,”ayuu yidhi Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee Wakiiladdu.
 
Golaha Degaanka Cardiff oo ka kooban 75, balse ay fadhiga xalay goob-joog ka ahaayeen 49 xubnood, waxa mooshinkii aqoonsiga Somaliland  taageeray  45 xildhibaan, afar ayaa ka aamusay, halka cid diiday aanay jirin, sidaasna uu ku meel-maray.
Maaha markii u horraysay ee gole degaan oo ka tirsan dalka UK, aqoonsado Somaliland, balse waxa hore sidan oo kale qarannimada Somaliland u taageeray Golaha Degaanka Sheffield, iyadoo sidoo kale Golaha Degaanka magaalada Birmingham oo ah caasimadda labaad ee dalka Ingiriiska la filayo inay aqoonsi u fidiyaan Somaliland mustaqbalka dhow.
By: Yoonis M.Jaamac
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply