Buhaari oo ku Guulaystay Doorashadii Nayjeeriya iyo Madaxweynaha uu ka Akaaday oo Hanbalyeeyay

0
368

Doorashadii madaxtinimada Nayjeeriya ayaa waxa ku guuleystay  Muhammadu Buhari, waana doorashadii ugu horeysay ee ay dalkaasi ku guuleystaan mucaaridku.
Ninka ay tartamayeen ee ahaa madaxweynaha dalka , Goodluck Jonathan, iyo xisbigiisa   ayaa aqbaley in laga adkaadey, waxaaney u hanbalyeeyeen   Gen Buhari guusha uu gaadhey.
Gen Buhari  ayaa ka horeeya  Mr Jonathan ugu yaraan saddex milyan oo cod..
Goobjoogayaasha ayaa guud ahaan ammaanay doorashada, balse waxaa jirey eedeymo ahaa in wax la is daba mariyay, taasi oo dadka qaar ku abuurtey in ay keeni karto mudaharaado rabshado wata.
Waxaa lagu tilmaamayaa in ay u tahay guul weyn oo taariikhi ah Nayjeeriya, iyada oo aaney hore u dhicin taariikhda in madaxweyne xilka haya  laga guuleysto.
Afhayeen u hadlay xisbiga  Gen Buhari  All Progressives Congress (APC)  ayaa ammaanay Mr Jonathan, waxaanu yidhi  ” Waxa uu ahaan doonaa geesi  tallaabadan darteed. Waxaa si dhaqso ah u dejisay xaaladii kacsanayd.”
Dadka wax falanqeeya ayaa sheegaya in ay tahay  markii ugu horeysay ee  ay dadka Nayjeeriya dareemaan in ay leeyihiin awood ay ku beddeli karaan dawlad aan shaqadeedii si fiican u gudan
Tan iyo madaxbannaanidii ay ka heshay  Britain sannadkii  1960  ayaa waxa ka dhacay tiro inqilaabo ahaa iyo doorashooyin la musuqay.
Natiijada oo la soo saaray  fiidkii hore xalay  ayaa muujisay  Gen Buhari inuu helay  15 million oo cod, halka uu  Mr Jonathan ka helay  12.8 million cod.
Mr Jonathan  ayaa soo hoggaaminayay  Nigeria taniyo  2010, isaga oo bilowgii hoggaamiye ku meel gaadh ah ka hor intaanu ku guuleysan  doorashadii sannadkii 2011.
Nigeriya oo la daalaadhacaysa weerarada kooxda  Boko Haram, ayaa waxa la  leeyahay  waxa ay  codbixiyeyaal badani rumeysan yihiin  inuu  Gen Buhari kaga fiican yahay kaalinta uu ku difaaci karo  Boko Haram.
Janaraal Buhaari ayaa hore dalka u soo xukumay isaga oo inqilaab kaga qabsadey dawlad rayid ahayd  sannadihii 1984-1985. Haseyeeshee markan waxa uu ku gaadhay doorasho aad loogu tartmay, waxaanay ahayd markii afraad ee uu isku soo taago madaxtinimada isaga oo waayay saddex jeer ooh ore.
 
 

Leave a Reply