Diyaaradda Caalamka Ugu Yar Oo Lasoo Saaray

0
372

Shirkadda lagu magcaabo One Plus One Plus ayaa soo saartay diyaarad la sheegay inay tahay diyaaradii ugu yarayd caalamka oo samaysa dulimaad ay muddo ku socon karto hawada sare ee caalamka,iyada oo aan qaadayn wax alaaba.
Diyaaradan ayaa lagu hagayaa Remote,waxaana lagu magcaabaa diyaaradaasi  Drawn,waxaanay noqonaysaa mid qiimeheedu aad uga jaban yahay qiimaha waxyaalaha kale,waxaanu noqon doonaa $20 dollar oo keliyaata.
Shirkaddan oo laga lee yahay dalkaasi Chine ayaa sheegtay in diyaaradan sidoo kale lagu kaxayn karo ama lagu hagi karo taleefano ay shirkadaasi soo saarto oo lagu magcaabo R-1 One Plus DR-1,taas oo samaynaysa dulimaadyo gaagaaban ,waana mid lamid ah kuwa ay caruurtu ku ciyaaraan.
Diyaaradan cusub  la sheegay inay bedeli doonto maraakiib yar yar oo kuwa lagu ciyaaro ah ,kuwaas oo ay soo saaraan shirkaddo dalkaasi ku yaala,uguna talo galaan carruurta dalkaasi Chine ,kuwaas oo mararka qaarkood caruurta dhibaatooyin ku keena,waxaanay duuli kartaa diyaaradan 20 minutes,waxaanu culayskeedu noqon doonaa 12.5 grams halka dhererkeedu noqon doono 7 cm.
Diyaariye yaasha diyaaradaasi ayaa sheegay inay doonayaan inay iibiyaan qaybo aad u badan oo ay siin doonaan qiime ahaan $19.99 Dollar.
 
 

Leave a Reply