Haweeney Dacwad ooge ahayd oo lagu Dilay Yugandha

0
308

Dacwad oogihii hormuudka ka aheyd kiis ay ku lug lahaayeen 13 qof oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab ayaa lagu toogtay caasimadda dalka Uganda ee Kampala.

Afhayeen u hadlay booliska Uganda ayaa sheegay in Joan Kagezi ay toogteen dabley hubeysan oo saarnaa dhugdhugley xilli ay ku sii jeeday gurigeeda.

Waxayna dhimatay intii loo sii waday isbitaalka ugu wayn dalkaasi.

Taliyayaasha booliska iyo milateriga ayaa gaadhay goobta uu dilku ka dhacay si ay dusha ugala socdaan baadhitaanka.

Mrs Kagezi waxa ay hogaaminaysay laanta la dagaalanka argagixisada ee xafiiska dacwad oogaha Uganda.

Dadweynaha Uganda ayaa hadda is weydiinaya in ilaalo ku filan ay lahayd iyo in kale.

Waxa ay hormuud u ahayd ololaha maxkamdeynta rag ku eedaysnaa in ay ka qeyb qaateen qaraxyo ay kooxda Al-shabaab ka gaystay caasimadda Uganda ee Kampala 2010-kii, qaraxyadaasi oo ay ku dhinteen 70 qof.

Dilkeeda ayaa waxa uu yimid kaddib markii safaaradaha Mareykanka iyo Britain ee Kampala ay soo saareen digniino weerraro argagixiso oo ka dhan ah danaha reer galbeedka ee dalkaasi Uganda.

 

Leave a Reply