Iiran iyo Mareykanka oo Wada hadlaya

0
417

Xoghayaha Arrimaha dibadda ee Mareykanka, John Kerry ayaa wada hadalo la bilaabay dhigiisa wadanka Iiraan, Javad Zaarif, iyadoo ay socdaan wadahadalada lagu xaqiiqsanayo in heshiis laga gaadho barnaamijka Nukliyeerka ee Iran.
Wakiilada ka qayb galaya Wada xaajoodka ayaa aad isugu dayayaa sidii ay ku dhameystiri lahaayeen qaab heshiis ah,kadib markii waqtigii kama dambeys ahaa ee la qabtay wada hadalada in heshiis lagaga gaadho uu dhamaaday.
Waxaa jira fariimo iskhilaafsan oo ka soo baxaya ka qeybgalayaasha shirka. Qaar ayaa tilmaamaya in laga yaabo in goor dhow heshiis la gaadho.Halka qaar kalena ay sheegayaa in faraq weyn uu wali dhinacyada u dhaxeeyo.
Iran ayaa sheegtay haddii aanan la soo saarin bayaan cad oo cunaqabateynta ka dhanka ah Iran laga qaadayo in uusan heshiis dhici doonin.
 
 
 

Leave a Reply