Sababaha Guuldarada u Keenay Goodluck Jonathon

0
346

Dadka reer Nigeria waxay la qabsadeen fikrada ah in mar walba uu guulaysto madaxweynaha xilka haya, marka la qabto doorashooyinka.

Sidaa awgeed, waxa muhiim noqotay in dadka reer Nigeria loo sharaxo sababaha keenay in Goodluck Jonathan ku waayo doorashada, guushana ay raacdo Janaraal Muxammadu Buhari oo u sharaxnaa mucaaradka.

Arrimahaasi waxay kala yihiin:

  1. Waxaa adkaatay in lagu shubto doorashada.

Doorashooyinkii horay u dhacay ayaa waxa hadheeyey khaladaad aad u daran iyo shaki ah in lagu shubtay.

2007-dii kormeerayaashii doorashada waxa ay sheegeen in ‘doorashooyinkaasi aanan lagu kalsoonaan kerin’’.

2011-kii doorashadii dhacday waxa la sheegay in si wanaagsan loo maamulay, balse kormeerayaasha waxay sheegeen in weli ay jirtay ku shubasho iyo wax isdaba marin.

Doorashooyinkan markii la qabanqaabinayey guddiga doorashada, waxa uu qaaday tallaabooyin ay ka mid yihiin isticmaalka qalabka elektrooniga ah.

Sidoo kale xisbiga Goodluck Jonathan ee PDP ayaa waxa uu lumiyey taageerada gobalo aad muhiim ugu ahaa, waxaana ku adkaatay in uu xisbigu maamulo habka doorashooyinka ee gobaladaasi.

  1. Arrinta Boko Haram iyo ammaanka.

Doorashooyinka ayaa la qabtay xilli waqooyi bari ee dalka Nigeria ay ka taagneyd kacdoon ay wadeen kooxda islaamiga ah ee Boko Haram.

Kooxda ayaa waxay dishay 20 kun oo qof, waxayna barakicisay 3 milyan oo kale, Madaxweyne Goodluck Jonathan-na waxa lagu eedeeyey in uu wax ka qaban waayey kooxda.

Doorashooyinka ayaa dib loo dhigay muddo lix todobaad ah si wax looga qabto xaaladda ammaanka, balse inkastoo meelihii ay kooxda gacanta ku haysay dib looga qabsaday, haddana dad badan ayaa arrintaasi u arkay in ay ahayd mid aad loola soo dib dhacay.

  1. Mucaarad midoobay, iyo xisbiga talada haya oo kala daadanayey. PDP

Xisbiga talada haya ee PDP ayaa waxa lagu tilmaamay in uu ahaa xisbi awood leh oo ku guulaysan kara doorashooyinka.

Markii la asaasay xisbiga, waxa ku midoobay dadka siyaasada u cad cad ee ka soo jeeda waqooyiga iyo kuwa ka soo jeeda koonfurta.

Balse isbahaysigaas ayaa burburay, xisbigana waxa uu lumiyey xubno muhiim ah.

Xitaa madaxweynihii hore Olusegun Obasanjo ayaa ka hor yimi oo mucaaraday Mr Jonathan.

Dhinaca kale Mucaaradka ayaa waxa uu ku midoobay xisbiga APC.

Lixdii todobaad ee ugu dambeeyey waxa muuqatay in xisbiga talada haya uu ku dhaqaaqay siyaasad uu doonayey in uu magaca iyo sumcada uga dilo isbahaysiga mucaaradka, taasi oo si degan uu uga jawaabay mucaaradka.

  1. Dhaqaalaha.

Nigeria waa waddanka saliida ugu badan soo saara qaaradda Afrika, waana waddanka ugu dhaqaalaha badan, balse dad badan ma dareemayaan faa’idada iyadoo kala badh dadka ku nool dalka ay yihiin sabool.

Dhibaatadan waxa uga sii daray heerka musuqmaasuqa.

Dhaqaalaha dalka ayaa lagu wadaa in sanadkan uu kobco boqolkiiba shan, balse dadka diyaar uma ahayn in ay u mahad celiyaan Mr Jonathan.

  1. Wakhtigii isbadelka.

‘Isbadel’, meel walba oo ay tagaan, waxayna u muuqataa in arrintaasi ay soo jiidatay dareenka shacabka.

Xisbiga talada haya ee PDP waxa uu dalka xukumayey tan 1999, markii uu dhaamaday xukunkii miletariga.

Sanadkan 2015-ka ayey u muuqataa in ay tahay sanadkii dadka reer Nigeria ay go’aansadeen in la gaadhay wakhtigii cid kale ay dalka maamuli lahayd.

Madaxweynaha la doortay ee Buhari ayaa haatan looga fadhiyaa in uu xaqiijiyo in dhab ahaantii uu isbadel keeni karo.

 

Leave a Reply