Shirkad Jarmal Ah Oo Soo Saartay Qalab Robots Ah Oo Qudhaanjada Iyo Caarada Oo Kale Ah, Si Fududna Wax Loogu Basaasi Karaayo

0
372

Shirkadda Jarmalka laga lee yahay ee Festo ayaa soo saartay qalab Robots ah oo loo sameeyey sida Caarada,Balan Baalista iyo  Qudhaanjada oo kale,kuwaas oo loogu talo galay in loo isticmaali karo  basaasida ,ayna isticmaali doonaan ciidamada Sirdoonka Jarmalku.
Mid kamid ah cayayaankan yar yar ayaa u duulaaya sida duqsiga oo kale,halka kuwa kalena ay dhulka u marayaan sida caarada iyo qudhaanjada oo kale,waxaanay indhaha ku lee yihiin Kamarado si fudud loogala socon karaayo waxyaalo badan,waxaanay si fudud u geli karayaan meelo kala duwan .
Robots kan yar yar ayaa ku shaqaynaaya Beytariyo kala duwan,kuwaas oo lagu jaajar garaynaayo laydhka caadiga ah ,iyada oo la gelinaayo fiishash yar yar oo loogu talo galay,waxaanay duuli karaan masaafooyin kala duwan.
Sidoo kale waxay lee yihiin GPS kala duwan oo lagu ogaan karo hadba meelaha ay joogaan,iyada oo lagu hagaayo  Computers,hadhowna wixii warbixina lagaga saaraayo,mana jiro wax soo gaadhayaa marka laga saaraayo warbixinta iyo haddii lagu joogsado ama wax lagu dhufto intaba.
 
 

Leave a Reply