Madaxweynaha Maraykanka Oo Sheegay In u Sigaarka Isaga Daayey Cabsi Uu Ka Qabo Xaaskiisa

0
362

Madaxweynaha dalkaasi Maraykanka ayaa sheegay inuu sigaarka isaga daayey cabsi uu ka qabo xaaskiisa,sidaasna waxa uu ka sheegay meel dad badani isugu yimaadeen oo lagu xusaayey muhiimda ay lee yihiin shaqaalaha dawladu.
Sida uu  sheegay Telefishanka lagu magcaabo CNN waxa uu madaxweynaha Maraykanku iska daayey cabitaanka Sigaarka muddo hadda dhawr bilood laga joogo ,isaga oo madaxda ku xig xigtana kula taliyey inay iska daayaan cabitaankiisa.
Su’aal ahayd cabitaanka Sigaarka ayaa la weydiyey madaxweyne Obama ,isaga oo dhoola cadaynaaya ayuu ku jawaabay ,maan cabin muddo lix sanno ah sigaarka,waayo waxaan aad uga cabsadaa xaaskayga,sida lagu sheegay warbixin lagu qoray wakaalada wararka ee AFP.
Madaxweynaha ayaa hadda bilaabay olole uu ku joojinaayo sigaarka cabistiisa oo uu ka bilaabay madaxda ku xeeran,sidoo kalena waxa uu sheegay inuu cabi jiray bilaabayna cabitaankiisa yaraantiisii,haddana uu ku faraxsan yahay inuu soo gebo gebeeyo,
Joojinta sigaarka ee madaxweyne Obama ayaa kasoo beegmaysa xiligii uu ahaa murashaxa madaxweynaha ee dalkaasi Maraykanka oo ku beegnayd sannadkii 2008 dii,waxaanu cadeeyey joojintiisa sannadkii 2011 bishii February.
 

Leave a Reply