Roobka Mucjisda Ah Ee Dunida Ka Da’ay

0
848

Hadyadaha samada ka yimaadda ayaa noqday ku aan qofna ku fekeri Karin oo mararka qaarkood abuuraya amankaaga aan la rumaysan Karin.  Waxaana dhacday inuu burburay markab kaluumaysi oo Japan laga lahaa, isagoo wata hawshiisa kaluumaysi. Markabkan ayuu samada kaga soo dhacay Sac weyni !. Haddaba  Xagee ayuu Sacanni ka yimi ? Waxay noqotay su’aal lagu wareeray.  Laakiin mar danbe ayay cadaatay in Dayuurad Ruush ah oo siday Lo’, oo dul haadaysay  biyaha Japan uu duuliyihii goostay isagoo dhulka ka sareeay kumanaan feet, inuu Sacaasi ka soo tuuro Dayuuradda ka dib markii uu Sacu argagax ka qaaday dayuuradda. Duuliyaha ayaa ka baqday inay Dayuuradda rido oo uu galaafto Sacani haddii aan isga laga tuurin.. Waxaana yaab noqotay sida uu Sacaasi ugu dul dhacay Marakabkaasi.
Sanadkii hore 2014, ayuu magaalada Jidda ku soo dhacay nin cadaan , kaasi oo dhawaac weyni ka gaadhay madax, waxaana cadaatay in laga soo tuuray Dayuurad. Sanadkii 1876 ayaa la sheegay in magaalada Kintaki ee Maraykanka ay ku soo daatay Roob  hilib googo’an. Waxaana wakhtigaasi ay saxaafaddu si weyn u qaada dhigtay arinkaasi oo lagu wareeray.  Mar danbe oo lagu sameeyay shaybaadh ayaa la ogaaday in hilibkaasi uu ahaa hilibka Faradaha. Laakiin waxaan cadayn oo sir noqotay sida uu uga soo daatay samada oo ilaa maantada lagu jahawareersan yahay, maxaa yeelay wakhtigaasi ma jirin Dayuurado loo malayn karo inay iyagu soo daadiyeen hilibkaasi.
Waxa kale oo samada ka yimi Roob dhiig ah , taariikhada ayaa lagu sheegay in marar badan ay bulshooyinku arken roob dhiiga ah oo samada ka yimi laakiin taasi ay ku tilmaami jireen inay samadu cadhootay, waxayna ka dhigi jireen in arin xumi soo socodo.  Haddaba dalka Hindiya sanadkii 2001 ayuu gobolka Keirla uu ka da’ay Roob dhiig ah.
Culimada ayaa sheegtay in dabayluhu ciidda cas iyo quruurxa lama deegaanka ay soo qaado ka dibna roobka ka da’ meel waxa uu noqdaa mid dhiig ah. Lakiin Roobka ka da’ay gobolkan Hindiya sanadkaasi waxa uu bedelay fikirkii ay culimadu ka qabeen roobka dhiiga ah ee ay sidaasi ka aaminsanaayeen.
Biyo laga qaaday roobkan oo la geliyaya shaybaadh ayaa muujiyay inay ku jiraan unugyo cas oo qarsoon kuwaasi oo siinaya roobka sifada midabka cas, laakiin aanay ciid cas oo dabaylo ka soo qaadeen lama degaanada ahayn. Waxaana ku jiray molekuyuulo nool inkastoo ay sheegeen inuu ka maqan yahay DNA. Arinkani ayaa wareer ku sii riday culimadii baadhaysay . qaarkood ayaa ku dooday in geedo , acshaab badda ku taalla ay keenayaan roobkan dhiigga ah, kuwo kale ayaa sheegay inay dembaabaaen oo denbiga laga raabo inay gaabdsadaan, dadka qaarna waxay aaminsan yihin  inay hor u dhac u tahay noolaha duulla ee qarsoon oo dunida ku soo fool leh.  Di’taanka rooka dhiigga waa arin naxdin ku abuurtay deeganka , qofna ma jeclayn inuu dharkiisa ku maydho biyo casaan oo dhiig ah.
Waxa kale oo jirta kuwo Alla ka baray inuu samada lacag uga soo daadiyo,  si ay fakhriga ugaga baxaan, laakiin mararka qaar ayay dhacdaa arin lagu fekerayay oo u eekayd waxaan dhici Karin
Subax hore Sanadkii 2010 ayuu arin yaab noqday la kulmeen dadka degan Maimi ee daalka Maraykanka , waxay u ahayd maalin wanaagsan markii ay lacag dhan nus malyuun dooler  ay  magaalada sida roobka samada kaga soo ku soo daatay. Waxay ku qaylinayeen soo baxa waa roob lacag ah. Lacagtan ayaa ka soo daatay ka dib markii gaadhi siday uu duqeeyay bir weyn oo ku taallay wadada dhinaceeda ka dibna uu qalibmay iyadoo lacagtii saarayd ay dabayshu qaaday oo hawada ku firdhisay. Gaadhiga ayaa la sheegay inuu ku socday xawaare aad u sareeya, kaasa ayaa sababay in lacagtu ay hawada ku kala firdho. .    (Source: 10 Craziest Things To Fall From the Sky
Red rain in Kerala)
 
 
 

Leave a Reply