Guddiga Baadhista Xasuuqa iyo Khuburro Caalamiya Oo Ka Socday Dalka Peru Oo Soo Bandhigay Xabaal Wadareeddii Labaad Ee Gabilay Ka Heleen

0
419

Gabilay(Dawan):-Gudiga Baadhista Xasuuqa iyo khuburo caalami ah oo ku dacfaray  baadhista xasuuq wadareedyada oo xaruntoodu tahay dalka Peru laguna  magacaabo EPAF, ayaa shalay xabaal wadareedii labaad ee dad la xasuuqay lagu aasay ka helay cidhifka waqooyi galbeed ee magaalada Gabilay.
Xabaal wadareeddan  oo ay ku aasnaayeen  toban qof oo dhammaantood wada rag ah ayaa halkaa  lagu soo bandhigay,  waxa  goob joog ka ahaa ehelada dadka la  la laayay oo uu xasuuqooda gaystay nidaamkii dhiig miiradka ahaa ee Siyaad Barre oo guud ahaan dalka Somaliland ka gaystay xasuuqyo  fool xun sideetameeyadii.
Soo bandhigga Xabaal wadareedka labaad shalay laga helay Gabilay oo ay ka soo qeyb galeen Guddoomiyaha Gobolka Gabilay Mustafe Cabdi Ciisi(Shiine), Maayer ku-xegeenka  Gabilay,  Madaxda Gudiga baadhista Xasuuqa oo uu hoggaaminayay  Guddoomiye ku-xigeenka Gudiga Baadhista Xasuuqa.Mujaahid.Yuusuf Xaaji Maxamed Mirre(Yuusuf Qurbaawi), Cabdirashiid Maxamuud Daahir oo  xubin ka ah Gudiga Baadhista Xasuuqa, Qaar ka mid ah ehelada dadka la xasuuqay,goob joogayaashii ogaa markii dil wadareedkan la geystay oo ahayd 1987kii. Khuburrada ajanabiga ah iyo Muwaadin Cabdicasiis Maxamed  Iid,  oo suurogeliyay in khuburro caalami ahi ay baadho xasuuqa ka dhacaySomaliland si  caalamka loogu  soo bandhigo.
 
Ugu horrayn Guddoomiyaha Gobolka Gabilay oo ka hadlay sida ay dadka reer Somaliland ugu dhacday dhibaatada Xasuuqu ee ay u saamaysay gobolo badan iyo siday guud ahaan dadka reer Somaliland uga wada midaysan yihiin baadi goobka iyo caddaalad soo taagista dambiilayaashii xasuuqa ka geystay Somaliland,waxaanu yidhi  “Maanta (Shalay) waxaynu joognaa mid ka mid ah xabaal wadareedyada lagu aasay dadkii shacabka ahaa ee reer Somaliland  oo aanay jirin wax dambi ah oo ay  galeen,  dadkaa la  dilay waxaa loo xasuuqay waxa  ay ahayd in la dabar jaro oo la dhammeeyo isla markaana dhulkooda laga qaado oo dad kale lagu beero.   waa dhibaato soo  wada martay dadka reer Somaliland,  xasuuqaana waxaa geystay nimaadkii Taliskii  Siyaad Barre, maamulkaasina wuxuu ahaa rajiim dalka soo maray cid walibana ay ku jirtay.”
 
“Dhammaan  dadka reer Somaliland waxay isku wada raacsan yihiin in ay caalamka u soo bandhigaan xasuuqa dalkooda ka dhacay iyo in caalamku caddaalada u soo taago dadkii xasuuqan geystay,waxaanan aad iyo aad ugu  mahad naqayaa khuburradan  caalamka innooga timi ee xaruntoodu tahay dalka Peru iyo Gudiga baadhista xasuuqa oo xil-weyn iska saaray in la soo bandhigo xasuuq wadareedyada ka dhacay dalka Somaliland.
Waxa kale oo aan aad ugu mahad naqayaa muwaadin Cabdicasiis Maxamed-iid iyo inta kala qayb qaadatay oo wakhtigooda u huray in caalamku  sharciga mariyo oo maxkamad la soo taago dadkii xasuuqan gaystay  iyagoo ku guulaystay in xukun ku dhaco Cali Samatar iyo inay  dalka Canada ka soo eryeen oo laga soo saaray ninkii geystay  xasuuqan aynu xabaashiisa joogno  oo lagu magacaabo Tuke,  waxaanan u sheegayaa ninkaa iyo kuwa la midka ahba in aan laga hadhayn xasuuqa gaysteen oo mar uun sharciga sidii loo marin lahaa ay caalamka kala kaashanayaan,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Gobolka Gabiley.
 
Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in xasuuqani uu markhaati cad u noqonayo hungadii iyo khasaarihii Somaliland kala kulantay midnimadii aan la mahadin ee ay la galeen Soomaaliya, waxaanu yidhi “ Waxaa kale oo dil wadareedkani uu ka marag yahay in dadka reer Somaliland iyagoo aan wax dambi ah gelin in ay ka dhaxleen midnimadii ay la galeen Soomaaliya xabaal wadareedyadaa aynu maanta tii labaad ee Gabilay joogno waxaanay taasi marag ka tahay in Somaliland aanay mar dambe ku dhacayn midnimadii xasuuqa dhashay.”
 
 
Mustafe Shiine, waxaa uu u duceeyay dadka  xabaal wadareedkaa lagu lagu aasay,  waxaanu intaa raaciyay in sida diinteenna Islaamku ina farayso loo aasi doono oo loo samayn doono aas qaran.
Guddoomiye ku-xigeenka gudiga baadhista xasuuqa Somaliland  Yuusuf Maxamed Mirre(Qurbaawi) oo halkaa ka hadlay ayaa tilmaamay in xabaal wadareedyada  lagu  aasay dadka la xasuuqay  in ay ka dhaceen Somaliland oo dhan isla markaana ay yihiin wax talis dhiig miirad ahiuu gaystay  oo aan laga hadhayn ifka intay joogaanna Somaliland qaran ahaan iyo gaar ahaan gudiga baadhista xasuuqa in ay dedaal badan ugu jiraan sidii ay dalalka caalamka iyo khuburrada imika baadhista la wadaa isaga kaashan lahaayeen sidii sharciga loo soo taagi lahaa dadkii dil wadareedkan geystay.
“Somalilad qaran ahaan iyo gudiga baadhista xasuuqa iyo dhalinyarrada reer Somaliland isu xil qaamay  gacan ku soo dhigista dambiilayaashii jariimadan galay ee caalamka oo dhan  dacwadaha kaga furay-ba waxay u taagan yihiin in dunidu dadkaa u soo gole joojiso la mariyo dambiga ay galeen ciqaabtiisa,”ayuu yidhi Guddoomiye Ku xigeenka Guddiga baadhista xasuuqu.
 
Waxaa kale oo goobta ka hadlay Xuseen Ciise Axmed oo ahaa dirawalkii waday iska rogada maydadka dadka la xasuuqay lagu soo qaaday ka dib markii  si xoog ah lagu soo raafay ee ay soo qafaasheen isaga iyo gaadhigiisaba ciidankii la odhan jiray foofiyad casta oo ka mid ahaa xasuuq gaystayaasha.waxaana ka mid ahaa hadalkiisii  “Dadkan waxaa laga soo qab qabtay deegaanka Agabar  waxaanay ahaayeen dad  reer miyi ah oo xoolo dhaqato iyo beeralay ah waxaa lagu xidh xidhay tiirar laga qotomiyay buurta laag Barako,  halkaas ayaana lagu wada toogtay markii la wada dilay waa la iskaga yimi oo waxaa cagaf lagu qoday xabaal wadareedkan ka diba aniga oo waday gaadhi iska rogo ah oo ay leedahay dawladda Hoose ee Gabiley oo markaa maalintaa duhurkii  ka soo galay dhanka Allaybaday ayaa waxaa halka magaalada laga soo galo igu sii sugaya oo sii joogay ciidan koofiyad cas ah oo khasab iyo awood aniga iyo gaadhigaygiiba ku soo kaxasytay waxaanan soo qaaday 13 nin oo mar lagu wada toogtay tiirarkii lagu xidhay.  waxaanan keenay halkan oo la igu yidhi ku rog,halkaasaana lagu wada aasay xabaashan iyo tii maalintii hore tirada dadka lagu kala aasayna waxay kala ahaayeen tii hore oo 7 ah iyo tan oo aan keenay 13 uu ka mid ahaa Maydka Sheekh Ciise oo ka mid ahaa culimada waawayn ee reer Gabilay. Xasuuqaasna waxaa geystay ninkii ciidanka haystay ee Tuke.”
Madaxa Khuburada baadhitaanka Xabaal wadareedyadan kala qayb qaadanayay gudiga baadhista Xasuuqa Jop Pablo,   ayaa dhankooda balan qaaday in xaqiiqada ay halkan ku arkeen  ay soo bandhigi doonaan dedaalna u gali doonaan in caalamku wax ka qabto dambiilayaashii gaystay xasuuqan.
Qaar ka mid ah ehelada dadkii la xasuuqay ayaa caalamka ka codsaday in ay sharciga u mariyaan dadkii jariimadan geystay oo qaarkood ay ku nool yihiin dalalkaYurub iyo Maraykanka kuwaas oo uu ka mid yahay gacan ku dhiigle Tuke oo ah sarkaalka geystay xasuuqa dadka xabaal wadareedda labaad ee Gabilay laga helay.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply