Daacish oo sii daysay 200 oo Yazidiyiinta Ciraaq ah

0
670

Maleeshiyada dawladda islaamiga ah (Daacish) ayaa xorriyadoodii u soo celisay in ka badan 200 oo ah bulsho diimeeda  Yazidiga  oo ay muddo ku haysteen waqooyiga Ciraaq, sidaasna waxa sheegay saraakiisha amniga kurdishka.
Sida uu General Hiwa Abdullah u sheegay  Associated Press maxaabiista la sii daayay oo ahaa 216 qof ayaa intooda badan ahaa bukaan ayna ka muuqdeen calaamado tacadi.
Kuwa la sii daayay ilaa 40 ayaa ahaa carruur.
IS ama Daacish ayaa weerartay  Yazidis-ka Ciraaq kal hore, waxaanay dishay kumanaan, qaarna afduubtay.
 
Dadkan la sii daayay ayaa u sheegay  Reuters in lagu hayay intii badnayd magaalada ay  IS ku xoogantay ee Tel Afar, balse maalmihii la sii daynayay loo raray magaalo kale.
 
 

Leave a Reply