Ururka Horseed Oo Soo Dhaweeyey Ololihii Khashin Ururinta Iyo Xuskii SNM

0
354

By. Idiris M. Xasan
Hargeysa (Dawan)- Guddoomiyaha ururka Isku Xidhka qeybaha kala duwan ee Dhalinyaradda Beel Weynta Daa’uud Garxajis (Ciida-galle) ee HORSEED Aadan Mataan Xasan ayaa si ballaadhan u soo dhaweynayaan Xuskii maalintii ururka SNM iyo ololihi khashin ururinta ee laga qabtay guud ahaan dalka Somaliland.
Aadan Mataan Xasan waxa kale oo uu soo dhaweeyay shir ALLE Bari ah oo Beesha Daa’uud Garxajis ee (Ciida-gale) ku qabsan doonto Bariga Caasimadda Hargeysa ee tuuladda Halleeya, taasi oo masuuliyiinta ururkani ku sheegeen inay ku taareensan yihiin Iclaamintii shirkaasi ee Boqor Raabi Yuusuf Ismaaciil.
Guddoomiyah ururka Horseed Aadan Mataan Xasan iyo Guddoomiyaha garabka Haweenka ee ururkaasi Marwo Xaliimi Ciise iyo xubno kale oo ururka Horseed ka tirsan, ayaa shir Jaraa’id oo shalay ku qabteen Huteel Daxiis ee magaaladda Hargeysa , ayey ku bogaadiyeen kuna soo dhaweeyeen ololihii qashin ururinta ee dalka ka qabsoomay ee uu ku dhawaaqay madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, iyaga oo xukuumadda ku amaanay doorkii shariifka ahaa ee ay ka qaadatay iyo munaasibadii lagu xusayay sannadguuradii asaaska ururka SNM.
 
Guddoomiyaha ururka HORSEED Aadan Mataan Xasan oo ugu horeyn shirkaasi Jaraa’id ka hadlay waxa uu yidhi “Ujeedada Shirkan Jaraa’id waxa weeye in la taageero Baaqa Shir Duco ah oo uu hore u Iclaamiyey Boqor Raabi Yuusuf Ismaaciil oo hore u sheegay ama ugu baaqay in Beesha Daa’uud Garxajis ay Shir Duco ah loo qabto reerka , kaasi oo 10-ka bisha MAY lagu qaban doono magaaladda Halleeya ee Bariga Caasimadda Hargeysa, waxaanu taageersanahay hadii aanu nahay Shir Duceedkaasi Beeshu ku ALLE baryi doonto.”
 
Aadan Mataan Xasan waxa uu intaasi ku daray inay sidoo kale ka urur ahaan soo dhaweynayaan Xuskii maalintii ururka SNM la aasaasay oo dalka lagu qabtay iyo ololihi qashin ururinta ee Somaliland lagu qabtay waxaanu yidhi “Waxa kale oo aan halkan hambalyo iyo taareero uga diraynaa laba Xafladdood ama munaasibadadood oo qiimo weyn dalkan Jamhuuriyadda Somaliland u leh oo 6 ilaa 7-dii bishan April la qabtay, kuwaasi oo kala ahaa Xuskii Mujaahidiinta SNM iyo Ololohii Nadaafadda iyo Qashin ururinta ee Madaxweynaha qaranku bulshadda dalkiisa kala qeyb qaatay, waxaan leeyahay iyada oo labadda munaasibaddoodba ay dawladdu si weyn u soo agaasintay isla markaana si qiimo leh bulshaddu uga qeybgashay , nagu labadaasiba waanu taageersanahay ka urur ahaan iyo ka deegaan ahaan waananu ka qeyb qaadanay bulshaddayadu”
 
Guddoomiyaha garabka Haweenka ee ururka Horseed Xaliimi Ciise oo iyaduna Shirkaasi Jaraa’id haweenkii ka hadlay ka mid aheyd, ayaa si weyn u soo dhaweysay shirka Ducadda ee loogu ALLE Baryaayo Beel weynta Daa’uud Garxajis ee (Ciida-gelle) waxaanay tidhi “ waxaanu leenahay shirkaasi waa soo dhaweynaynaa oo waa taageersanahay isaga iyo Xukuumaddeena ama dawladdeena sharafta lehba.”
 

Leave a Reply