Madaxweyne Stalin Wiil Uu Dhalay Hitler Qabtay

0
415

Madaxweynihii Ruushka ee dagaalkii labaad Joseph Stalin ayaa wiil uu dhalay sanadkii 1942 kaasi oo safka hore ee dagaalka ku jiray ciidamadii Jarmalka ku qabteen wiilka ayaa lagu magacaabi jiray yakuf.
Ciidankii Jarmalka Markii ay ogaadeen in wiilkan uu dhalay Stalinka Ruushka ayay aad u farxeen. Taliyihii ciidamada Jarmalka Jan. Ferdirk Palos ayaa fariin u diray in Stalin isagoo u sheegay in loo sii dayn doono wiilkiisa haddii uu ogolaado inuu soo daayo maxaabiista ciidanka cas ee jarmalka.
Stalin arinkaasi ma yeelin, Jarmalkuna wiilkii waxay u wareejiyeen jeel adag oo Berlin ku yaala. Sanadkii 1943 ayuu isku deyay inuu ka baxsado laakiin askarigii gaadhka ahaa ayaa arkay oo toogtay , halkaasi ayuuna ku dhintay.
 

Leave a Reply