Ilme Bilaa San Ah Oo Markii Ugu Horeysay Ku Dhashay Wadanka Maraykanka

0
367

Waxa wadanka Maraykanka markii ugu horeysay ku dhashay ilme yar oo bilaa san ah ,taas oo noqonaysa markii ugu horeysay ee uu dhasho ilmahaasi,waxaanu dhashay  March ee sannadkan,isaga oo ku dhashay gobolka Alabama,kaas oo  179 million oo caruur ah oo dalkaasi ku dhashay  xaalado kala duwan kii ugu daraa noqday.
Maaha oo keliyaata waxa aanu lahayn sanka ee waxa sidoo kale awdan daloolkii hore ee dhuunta gelaayey iskuna xidhaayey sanka iyo inta kale ee jidhka,sida ay hooyadii oo lagu magcaabo Eli sheegtay ,waana mid kamid ah 40 qof oo lagu arkay caalamka meelo kala duwan ,inkasta oo ay kuwaasi lahaayeen daloolka.
Ilmahan yar ayaa loo diyaarinayaa qalin in lagu sameeyo,taas oo ay isku deyayaan dhakhaatiirtu inay u baneeyaan ilmahaasi meel uu ka neefsado,iyada oo aanu weli jidhkiisu adkaan illmahan,haddana dhakhaatiirta ayaa sheegay inay isku day samaynayaan.
Ilaa hadda lama garanaayo sida uu u nool yahay iyo halka uu ka neefsanaayo ,madaama oo uu bila san yahay ilmahaasi.
 

Leave a Reply