Masuuliyiinta SOOYAAL Oo Ka Jawaabay Hadallo Ka Soo Yeedhay Xubno ka mid ahaa Hoggaankii SNM

0
368

‘Nagama Gayaan Meesha Kaalaya Kana Hadli Maysaan, Manaanaan Odhan’
 
 By. Idiris M. Xasan
 
Hargeysa (Dawan)- Guddoomiyaha jamciyada mujaahidiinta Sooyaal Xasan Cabdi Maxamed ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay hadallo ka soo yeedhay qaar ka mid ah siyaasiyiin mucaarid ah oo ka tirsanaa hogaankii sare ee SNM, warkaasi oo lagu baahiyay qaar ka mid ah warbaahinta.
Mujaahid Xasan Cabdi Maxamed waxa kale oo uu sheegay in aanay waxba ka jirin hadaladaasi meelka dhaca ah ee lagu daabacay qaar ka mid ah wargeysyada, kaas oo ahaa in xuskii lixda bisha April ee lagu qabtay beerta Xoriyada ee magaalada Hargeysa loo diiday in ay ka hadlaan qaar ka mid ah madaxdii SNM.
Guddoomiyaha jamciyada mujaahidiinta Sooyaal Xasan Cabdi Maxamed waxa uu sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo shalay ku qabtay xafiiskiisa magaalada Hargeysa, kaasi oo uu ku beeniyay hadalkaasi ku soo baxay qaar ka mid ah warbaahinta, isaga oo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxaan doonayaa in aan ka hadlo maanta war been  abuur ah oo lagu baahiyay qaar ka mid ah saxaafada dalka, warkaas oo lagu eedeeyay in uu ka soo baxay jamciyadda Sooyaal. Runtii jamciyada Sooyaal iyada ayaa u xilsaaran qabashada munaasibadaha SNM, labada munaasibadood ee 17-ka October iyo lixda April, hawshaa wixii ku xidhan, haddii ay tahay dhaqaalaha, goobta lagu qabanayana xukuumadda ayaa diyaarisa iyo arrimaha amniga, dalkana xukuumada ayaa ka masuul ah.”
Guddoomiyaha jamciyada mujaahidiinta Sooyaal Xasan Cabdi Maxamed waxa kale oo uu intaa ku daray, “Annagu markii aanu soo diyaarinay munaasibadaasi waxaanu ku qabanay Beerta Xorriyada, waxaanu ku wargelinay bulshada reer Somaliland in la isugu yimaado Beerta Xorriyada, dadweynaha waxaa looga sheegay oo lagala hadlay warbaahinta, xukuumadduna door way ayay ku lahayd oo way ka shaqaysay, qarashkiina way bixisay, amnigiina way sugtay goobtii lagu qabanayayna way diyaarisay, ardaydii iskuuladana way soo fasaxeen si ay uga soo qayb galaan.”
 
“Dadweynuhu Beerta Xorriyada ayay isugu imanayeen, ciddii loo baahday ee la soo casuumayna si gaar ah ayaanu u xusnay, gaar ahaan asaasayaashii ururkii SNM, oo ay ka mid yihiin Maxamed Xaashi Cilmi, Cabdisalaan Yaasiin, Xasan Ciise Jaamac iyo Xasan Guure, intaba waxaanu u gaynay kaadhadh gaar ah, waxaa sida gaarka ah loogu xusayna waxay ahayd baahi loo qabay runtii, rag la dhayeelsan karana may ahayn,” ayuu yidhi guddoomiyaha Jamciyada mujaahidiinta Sooyaal mujaahid Xasan Cabdi Maxamed, waxaanu intaa ku daray “Nagama Gayaan,  Nagamay Iman, Manaanaan odhan meesha kaalaya, kana hadli maysaan, horena umaanaan odhan, iminkana maanaan odhan, odhana mayno, markaa eraygaa ku qoran jaraa’idka ee ah waxaa la yidhi marti baad ku tihiin meesha oo ka hadli maysaane kaalaya waxaan qabaa in ay tahay meel ka dhac, waxaan caddaynayaa in aanu annaga naga soo bixin horrayso iyo dambayso toono, eraygaa maanaan odhan, haddana odhan mayno, sharaf iyo karaamo ayay naga mudan yihiin, markaa waxaanu saxaynaa oo aanu bulshada reer Somaliland u sheegaynaa in aanu eraygaasi anaga naga soo bixin.”
Sidoo kale, waxa isaguna halkaasi ka hadlay agaasimaha xafiiska maamulka ee Jamciyada mujaahidiinta Sooyaal mujaahid Maxamed Carab Geelle, “Xaflada waxaa lagu qabanayay Beerta Xorriyada Hargeysa, waxaanay ahayd madal furan, sidoo kale waxaanu ka baahinay maalmo ka hor warbaahinta si looga soo qayb galo, laakiin mujaahidiintan iyo  asaasayaashii SNM si gaar ah ayaanu ugu geynay kaadhadhka, waxaanu ugu gaynay in aanu dareen siino, iyo in aanay hadhaw odhan kaadhadh nalooma keenin,  markaa Xasan Ciise waan u geeyay kaadhka, faahfaahinta iyo xiliga la qabanayo munaasibaduna kaadhka ayay ku qornayd, Maxamed Xaashina waxaan ugu geeyay Maansoor, waxaanan ugu dhiibay saddex nin oo kale oo uu iga balan qaaday in uu gaadhsiinayo, wax aanu isla soo qaadnay oo ah waad hadlaysaa iyo ma hadlaysid midna ismaanu odhan.”
 
 

Leave a Reply