Qaxoonti Ugu Badnaa Ee Ka Soo Qaxay Dagaalka Yeman Oo Soo Gaadhay Somaliland

0
356

By: Khadar Cabdi Muuse

Hargaysa(Dawan): Markab siday 174 oo qoxoonti ka soo qaxay dalka Yeman ayaa habeen hore soo gaadhay dekadda magaaladda Berbera ee gobolka Saaxil, dadkaasi qoxoontiga ah oo isugu jiray Soomaali, Yemaniyiin iyo Itoobiyaan.

Waxaana la sheegay in dadkaasi qoxoontiga ah la dejiyay meello loogu tallo galay, isla markaana markii ay soo gaadheen dekadda Berbera maamulka gobolka Saaxil iyo ka degmadda Berbera ay si weyn uga hawl galeen dejinta dadkaasi.

Dadkan qoxoontiga ah ee Yeman ka yimid oo uu siday Markab ka soo qaaday dekadda Mukha ee dalka Yeman ayaa la shaagey in uu badda ku soo jiray muddo laba habeen ah, kaasi oo aakhirkii habeen hore soo gaadhay Berbera.

Wasiirka Dib u dejinta ee Somaliland  Cali Siciid Raygal, oo ka hadlay markabkani dadka qoxoontiga ah siday ayaa sheegay  ayaa sheegay in markii dadkaasi qoxoontiga ah la dejiyay meello loogu tallo galay, isla markaana ay xukuumad ahaan u diyaar garoobeen qoxoonti kale oo yimaadda, iyagoo la kaashanaya  hay’adaha ka shaqeeya arrimaha qoxoontiga sida UNHCR.

 “Markabkan yimid  dekadda  Berbera  waxa uu sidaa dad Qoxoonti ah oo ka soo carrary   dhibaatadda  ka  dhacday   dalka  Yeman ee dagaaladu  ka socdaan, waa 174 Qof, waxaana ay iskugu jiraan  qaar Somaliland ah, kuwo  Soomaaliya, Ethiopian iyo Yemaniyiin,  xalay  (habeen hore ) markii uu soo galayba waa la dejiyay,  waxaana ka hawl galay xukuumada madaxda gobolka iyo hay’adaha qaxoontiga qaabilsan iyaga oo xalay Berbera soo gaadhay xili danbe.Markiiba  qaxoontigaas waxa la dejiyay halkii loogu talo galay oo ay yalaan wixii ay ku seexan lahayeen wixii ay cuni lahayeen wixii lagu daawayn lahaa dhamaantood ay u yaaliin,markaas imikana qoristoodii ayaa socota kuwa kalena haday yimadaan waanu u diyaar garoobe” ayuu yidhi wasiirku.

 

Isagoo hadalkiisa sii watayna waxa uu yidhi “Xukuumada way u diyaar garawday in ay markasta caawiso dadkaas dhiban,kuwa Somaliland ee yimaadana lasoo dhaweeyay,Xukuumaduna iyo haay’addaha arinta kala shaqeeyaana way u diyaar garoobeen in ay caawiyaan dhamaan hada caafimaadkoobada ayaa la baadhayaa waana la hubi doonaa markaas dadka lagu hayn doono xeryo loo sameeyay.”

Leave a Reply