Saylici Oo Jaaliyadda Maraykanka Ugu Baaqay Inay Kaalin ku Yeeshaan Horumarinta dalka

0
368

By: Cabdi M.Safwaan
Minnesota(Dawan):-Madaxwayne Ku–xigeenka Jamhuuriyada Somaliland  Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici),ayaa dar daaran qarannimo faray iyo wada jir  jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan  magaalooyinka gobolka  Minnesota  ee Dalka Maraykanka oo  uu kulan casho ah ugu sameeyay  magaalada  Minneapolis.
 
Kulanka casho sharafta  ah ee ay jaaliyadda reer Somaliland ee Minnesota ku qaabileen Weftiga uu hoggaamiayay Madaxwayne Ku-xigeenka Somaliland oo ahayd mid si heer sare ah ah loo soo agaasimay ayay jaaliyadu dhankooda balan qaadeen in ay ilaalinayaan isku duubnaanta iyo wada jirkooda kana qayb qaadanayaan kaalin kasta oo wax taraya horumarka dalkooda.
 
 
 
“Tawfiiqdu qiimo gaar ah  ayey horta  leedahay binu aadamku haddii uu  meel wada jooga tawfiiqna leeyahay isaguna wax buu taran sanayaa dadkoodana wax bay tarayaan, markaa maadaama aynu dal yar oo curdina  nahay, dalkuna waxa  uu u baahan yahay hawl adag oo ina sugaysa oo inaynu ka midho dhalino innaga sugaysa, markaa dadkan qurbo jooga ah midnimadiinu wax weyn bay ugu fadhidaa qaranka Somaliland iyo dadka aad ka timaadeen ee aad biilka u diraysaan. waxaan qabaa masuulliyaddaa wadareed ee  la wada qaato  oo wada jir iyo isku duubni loo wada shaqeeyo,”ayuu yidhi Madaxweyne Ku xigeenku.
 
 
Md.  C/Raxmaan Saylici ayaa dhinaca kale hoga-tusaaleeyay  jaaliyadda Somaliland ee gobolkaas minnesota iyo qurbo jooga dunida kaleba in aanay mucaaridada axsaabta siyaasaddu  noqonin mid danihii qaranimo ee loo baahnaa in mid lagu ahaado mid meesha ka saaraysa.
Dhanka kale xubno ka mida aqoonyahanka iyo siyaasiyiintii ka qayb galay kulankaasi ayaa iyaguna waxay aragtidooda ka dhiibteen wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya u dhexeeya, iyaga oo tallo ku soo jeediyey aayaha Somaliland in aan wax dambe oo wada hadal ah Soomaaliya lagala yeelan loona baahan yahay In Somaliland xaqa aqoosigeeda hannaan kale looga midho dhaliyo.
 

Leave a Reply