“Xulafada Sucuudigu Ma Isticimaali Karaan Hawadda, Badda iyo Garoomada Somaliland”

0
375

By: Cumar M.Faarax

 

 

Hargeysa (Dawan)-Xukuumadda ayaa sheegtay in xulafada Sucuudigu hoggaaminayo ee dagaalka kula jirta kooxda Xuutiyiinta Yeman aanay isticmaali karin, hawada iyo badaha Somaliland, iyagoo aan ogolaansho ka helin xukuumadda Somaliland.

 

Sidaas waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu shalay soo saaray Wasiirka Duulista hawadda iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi, waxaanu war-saxaafadeedkaasi oo dhamaystirnaa u qornaa sidan:-

 “Jamahuuriyadda Somaliland wer-wer badan ayey ka qabtaa waxaa ka socda dalka Yeman, il dheer baanu ku haynaa, beesha caalamkana waxaan ugu baaqaynaa in lays ku dayo in xal loo helo dagaalkaas socda.

Xulafada dagaalka ku jirta ee Sucuudigu hogaaminayaa ma isticimaali karaan Hawada, Badda, iyo Garoomada Qaranka Somaliland illaa ogolaansho rasmi soo waydiistaan Xukuumadda Somaliland.

 Inkasta oo mawqifkayaga siyaasadeed uu cad yahay, haddana ma isticimaali karaan annagoo aan u ogolaan, waanu uga digaynaa in ay iscimaalaan, farriin cod dheerna waxaanu leenahay wixii cawaaqib xumo ka timaada arrintaasi haddii ay dhacdo iyagaa ka masuula. u raaci mayno masuuliyadeeda Muqdisho Dawladda Soomaaliya.  

Dawladda Soomaaliya wixii ay hayso ee ay maamusho cid ha ka marti soorto, wax aanay haynin ninka yidhaa cid ayaan ka marti soorayaa dee maaha aragti sax ah, waxay carabtu ku maah-maahdaa ninkaan waxba hayni waxba ma bixiyo.

 Garoomada Somaliland,  Hawadeeda iyo Badeeda in lagaga duulo kooxaha Xuutiyiinta ee Yeman ogolaashaheeda Dawladda Muqdisho ma bixin karto.”

 

 

Leave a Reply