Khubaro Saynisyahano Ah Oo Sheegay Inay Ogaadeen Hindaside Dumarka U Gaara Oo Khiyaanada Qaabilsan

0
695

Khubaro dhinaca sayniska ah ayaa sheegay inay ogaadeen inuu jiro Hindaside ay sheegeen inuu dumarka u gaar yahay, sidoo kalena ku keli yahay oo ah mid u qaabilsan khiyaanada, iyaga oo intaas ku daray inay taas dhinac socoto dhinaca cudur daarka iyo raali gelinta oo uu iyadana qayb ka qaato.
Khubaradan oo ka socotay jaamacadda lagu magacaabo Queensland  una qaabilsan cilmibaadhisaha ayaa sheegay inay muddo dheer ku raad joogeen inay ogaadaan sababta dumarku uga khiyaamo badan yihin raga, ugu dabmayna ay ogaadeen inuu jiro jiin ay ku kala duwan yihiin oo lagu magacaabo AVPR1A, kaas oo qayb weyn ka qaata dabeecadaha dadka sidoo kalena dareenka aad u kiciya, maskaxdana shaqo u dira.
Khubaradan ayaa sheegay in hindesidahani yahay mid layska dhaxlo,cida keliyaata eek ala dhaxashaana ay tahay  dumarka oo keliyaata ee aanay ragu dhaxli Karin,waxa kale oo ay sheegeen inay jiraan raga qaar qayb ahaan dhaxla,kuwaasina ay noqdaan kuwo aad u siyaasad badan,una dhib badan ,cudur daarkooduna tiro badan yahay.
Khubaradan ayaa tijaabo ka qaaday dhinaca Hindesideyaasha ah dad aad u tiro badan oo kala duwan ,kuwaas oo ay sheegeen inay tiro ahaan ahaayeen 7000 oo qof oo ku kala nool meelo kala duwan,kuwaas oo inta ugu badani ay dumar ahaayeen ,waxaana ugu badnaantii laga helay dumarka ,halka ay yaraadeen raga laga helay oo ay kuwaasina noqdeen kuwo siyaasadaha ku lug leh. Khubaradan ayaa sheegay inay sii wadayaan baadhitaanka noocan ah ,iyaga oo dhinacyo badan ka eegaaya.

Leave a Reply