Khubarada Indhaha Oo Sheegay In Aanay Computer-ka Iyo Video-gu Waxyeelayn Indhaha

0
358

Iyada oo ay jirto khubaro hore oo aad uga dayrisay daawashada badan ee Video-ga iyo isticmaalka badan ee Computer-ka oo ay sheegeen inuu waxyeelo u geysto indhaha ayaa haddana khubaro kale soo saareen daraasad kale oo ay ku sheegeen in aanay labada midna waxyeelo u geysan indhaha ,gaar ahaana waqtiga caruurnimada.
Daraasadan oo ay sameeyeen koox khubaro ah oo ka socotay jaamacadda lagu magcaabo University of Ohio ayaa sheegay in aanay jirin waxyeelo soo gaadha caruurta da’ahaan  gaadhaysa 20-ka sanno,kana soo gaadhaysa daawashada waqtiga dheer ee Video-ga iyo sidoo kalena isticmaalka badan ee Computer-ka.
Daraasadan ayaa intii ay socotay waxa tijaabooyin kala duwan lagu sameeyey 4500 caruur ah ,kuwaas oo da’doodu u dhaxayso 11 jir ilaa 5 sanno jir,kuwaas oo ay sheegeen khubaradani inay inta ugu badan hor fadhiyaan Video ka iyo isticmaalka Computer-ka,waxaanay natiijadii noqotay in aanay waxyeelo u keenin hor fadhigoodaasi indhohooda.

Leave a Reply