Shimbiro Hawada Saadaaliya

0
479

Culimada cilmiga noolaha aqoonta weyn u leh ayaa cadeeyay inay jiraan dalka Maraykanka Shimbiro aad u yaab badan kuwaasi oo hawada ka saadaaliya isbedelada ku imanaya.  Shimbirahan aya ka guura goobaha ay ku soo fool leedahay cimilada xun sida duufaanada oo kale. Waxaana la ogaaday in sandakii hore 2014 markii duufaanadii burburka weyn keenay  ay ka dheceen dalka Marykanka in shimbiruhu ay ka qaxeen meelihii ay joogeen maalin ka hor iyago tegay buuraha Ablash ee koonfurta Mexico waana qiyaas dhan 700 ilaa 800 km inta ay u jirsadeen goobta duufaanka. Waxa kale oo taasi kaba yaab badatay inay shimbiruhu soo noqdeen laba maalmood ka dib markii uu duufaanku is taagay. Shimbiraha ayaa markii ay maalin sii maqnaayeen uu ka dhacay gobolada Maraykanka duufaankii weyn ee galaaftay dad iyo duunyo badan. Waxa kale oo culimada u cadaatay inay shimbrihu awoodi karaan inay masaafad dheer duulaan. Sida lagu daabacay wargeyska Current Biology waxay aqoonyahandu sheegeen inay jiran shimbiro ka saadaalin kara cimilada iyagoo awood u leh inay maqlaan codad, qarax iyo guux hoose oo aanu aadamigu awood u lahayn maqalkood.
 

Leave a Reply