Duuliyaha Iyo Rakaabka Ayaa Mar Keliya wada Naxay

0
371

Nin China u dhashay aya albaabkii dayuuradda furay si uu neecow u qaato, sida ay sheegeen Duuliyihii iyo rakaabkii isaga ka ag dhowaa. Duuliyaha aya ka codsaday shaqaalaha inay xidhaan albaabka ka hor intii aanay duulin. Dayuurda ayaa wakhtigaasi bilowday inay dariiqa duulista ee lamida raacdo madaarka Hangiistishon ee China. Wakhtigaasi ayay mar keliya rakaabku ku war heleen qof furay albaabka xaaladda degdeg ah, duuliyaha aya markiiba dayuuradda joojiyay, ka dib markii ay mar keliya wada nexeen duuliyaha iyo rakaabku.
Wax yar ka dibna rakaabka ayaa mashquul ku noqday inay sawir ka qaatan ninkan, kaasi oo markaa tagnaa albaabka dhiniciisa. Waxaana yaab noqotay markii duuliyuhu uu ninka waydiyay sababta uu u furay albaabka uu ku jawaabay inuu u baahday hawo saafi oo uu cidhiidh dareemay.Markaasi ka dib  ayuu duuliyahu adkeeyay albaabka sida degdeg ah loo furo oo dayuuradiina ay duulimaadkeedii sii wadatay ka dib markii ay u caadatay in ninkan rakaabka ahi aqoon daro u geysay waayo waa markii u horaysay ee uu dayuurad raaco.
 

Leave a Reply