Wasiirka Beeraha Oo Ugu Baaqay Beeralayda Dalka Inay Kordhiyaan Wax-soosaarkooda

0
363

Burco (DAWAN)-Wasiirka wasaarada beeraha Somaliland Md.  Maxamed Aw Daahir Ibraahim,  iyo wefti uu hogaaminayay  oo socdaal shaqo ku maraya  Togdheer, ayaa kormeer ku tagay beeralayda degaanka Beer, waxaanu ku booriyay beeralayda dalka inay juhdi u galaan sidii ay waxsoo saarka dhinaca cuntada u kordhin lahaayeen.
Weftigan Wasiirka Beeraha waxa xubno ka ahaa Agaasimaha guud ee wasaarada beeraha, Cabdilaahi Ismaaciil Faarax iyo   isu-duwaha wasaarada beeraha gobalka Togdheer, Maxamede Cabdi Maxamuud (Gurey).
Agaasimaha guud ee wasaarada beeraha Somaliland, Cabdxilaahi Ismaaciil Faarax,  oo halkaasi ka hadlay mashaariicda laga fuliyay deegaankaas, waxaanu yidhi “Waar nafteenna aynu wax u qabano oo  caruurteenna aanu wax u qabanno,  oo dalkeenna aanu wax u qabanno, waxa la idiin fuliyay mashruuc hal milyan oo dollar ku qiimaysnaa, nus malyuun kalena imika ayaa lagu darayaa, afar kanaal ayaa la idiin sameeyay world vision. Waxa kale oo la idin siiyay cagafyadii, waxa looga dan leeyahay in dadkeennu wax qabsadaan oo wax beertaan.”
Wasiirka wasaarada beeraha Somaliland Md.  Maxamed Aw Daahir Ibraahim, ayaa beeralayda dalka ugu baaqay inay dedaalkooda dhinaca wax-soosaarka kor u qaadaan si qaranku u hiigsado in Somaliland mustaqbalka dhow ay u noqoto qaran isku filnaansho ka gaadha cuntada.
Sidoo kale waxa halkaasi ka hadlay xubno ku hadlayay magaca iskaashatooyinka Beeralayda oo sheegay inay wasaaradda beeraha iyo Ha’yadaha la shaqeeyaba ay uga mahad-celinayaan mashaariicda ay ka fuliyeen degmadda Beer ee gobolka Tog-dheer.
Isu-duwaha wasaarada beeraha gobalka Togdheer, Maxame Cabdi Maxanuud (Gurey), ayaa wasiirka warbixin ka siiyay xaalada degaanka beer iyo mashaariicda halkaasi looga hirgaliyay beeralayda.
By: Yoonis M.Jaamac
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply