“Madaxweyne Siilaanyo Siduu Wax Ula Qabtay Naafada, Ayaanu U Taageeraynaa”

0
416

Hargeysa (DAWAN)-Muwaadin Cabdi Aadan Wayd, oo ah nin naafo ah oo degan magaaladda Hargeysa ayaa sheegay in ay naafo ahaan madaxweynaha Somaliland abaal ugu hayaan in shantii sannadood ee la soo dhaafay la shaqaaleeyay naafadii ugu badnayd.
Cabdi Aadan Wayd, waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu shalay u warramayay wargeyska DAWAN, waxaanu yidhi “Waxaan madaxweynaha Somaliland ku bogaadinayaa kaalinta waxtarka leh ee uu la garab taagan yahay naafadda Somaliland.
Waxaan madaxweynaha ku ammaanayaa in shantii sannadood ee dawladda KULMIYE xilka haysay in la shaqaaleeyay naafo ka badan 100 xubnood oo ah tiradii ugu badnayd ee naafo ah ee shaqaale dawladeed noqota, annaga  oo uga mahad celinayna tallaabadaas uu qaaday, haddana waxaan ka sugaynaa in kumanaan muwaadin oo kale oo naafo ah la hawl-geliyo.”
 
“Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo waxa aanu abaal ugu haynaa inuu Madaxweynuhu naafadda ugu deeqday mootooyin iyo baaskiiladihii naafadda, taasi oo kumanaan qof oo naafo ahi ka faa’iidaysteen.waxaan aaminsan nahay In madaxweyne Siilaanyo yahay mid ay ka go’an tahay wax u qabashadda naafadda iyo horumarintooda. Waxay naafadu garab yihiin taageeradoodana u hibaynayaan madaxweyne Siilaanyo iyo xisbiga tallada dalka haya ee KULMIYE,”ayuu yidhi Cabdi Aadan Wayd, oo xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ku majeertay inay horumarinta dalka wax weyn ka qabatay.
“Waxaan  aaminsan nahay in xukuumaddu ay qabatay wax-qabad muuqda oo aan la dafiri Karin oo u saamixi kara in mar labaad dadweynuhu codkooda siiyaan xisbiga KULMIYE.”
Dawannews Hargeisa office

Leave a Reply